Safiirki itoobiya oo la racdeeyay. Qunsuliyada Itoobiya ee Garowe iyo Hargeysa oo amar xerid ah lafaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tilaabooyin ka dhan ah Itoobiya oo maalmahan wadag daan daansi ka dhan ah madax banaanida dalka.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo maanta la xiray Qunsuliyadihii Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe & Hargeysa ee maamulada Puntland iyo Somaliland.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa Safiirka Itoobiya ee Muqdisho u joogayna dalkiisa ayaa loo ceyriyey.

Arrimahan ayaa yimid kadib markii shalay Itoobiya ay heshiis la gashay wafdi ka socday Puntland oo tagay Adis Ababa.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles