Sanad kadib iyo soo laabashada Madaxweyne Farmaajo ee Muqdisho iyo qorshihiisa Cusub (Warbixin)

Sanad iyo afar bilood uu dalka Kamaqanaa madaxweynihi hore ee Soomaaliya mudane Farmaajo ayaa markale manta dalka dib ugu soo noqday.
Madaxweyne Farmaajo oo ee lasocdeen qaar kamid ah siyaasyiinta taageera siyaasayidiisa ayaa warbixin kooban ka bixiyay dib usoo laabashadiisa dalka.

Hadalka Madaxweynaha oo ahaa mid aad ukooban isla markaana laga dhadhansan karay in madaxweyne farmaajo oo uhadlaayay si deganaan kujirto isagoo muujiyay inuu dhax dhaxaad kayahay doodaha siyaasadeed ee kajira gudaha iyo dibada dalka.

“Maanta, waxaan dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho oo aan ka sii amba-qaadayno dadaallada xoojinta midnimada iyo wadajirka dadkeenna. Marxaladdan xasaasiga ah waxaa waajib ah in aynu gacmaha is qabsanno oo meel iska dhigno khilaafaadka siyaasadeed”. Ayuu yiri mudane Farmaajo

Qaar kamid ah taageerayaasha jadbeesan ee Farmaajo ayaa ku dhaliilay hogaamiyahooda inuusan isgarab taag umuujin xukuumada Soomaaliya oo ku guuleesatay dadaalo badan oo farxad geliyay shacabka Soomaliyeed.

Arimaha lagu dhaliilay Farmaajo ayaa waxa kamid ah inuusan taageerin wax kabadalka dastuurka, kaasi oo shacaka intiisa badan u arkaan guul in dibu qaabeen lagu sameeyo lagana dhigo mid si dhab ah oo cadaalad ah uga tarjumaayo xuquuqda dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles