Sanbaloolshe oo sikulul ula hadlay reer Shabeele, kuna dhawaaqay go’aano xasaasi ah.

Taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) safar ku jooga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo kujirta isbaarooyinka iyo dagaallada beeleedyada.

Sanbaloolshe ayaa  kulilmaamay in wax la qaadan karo eesan aheen in isbaaro taalo gobolkaan Shabeelada Dhexe .

“Hadda Ilaahey yiraahdo qabiil ay meel isbaaro u ooleyso ma jiri doonto, warkeyga iska dheh maahinee waxaan jecelahay inay fulino” ayuu yiri taliyuhu.

“Waan ka xunahay waxa meeshaan ka dhacaayo qof Soomaali ah ama mas’uul ah oo ku faraxsan ma jiro wixii dhacay, waana arrin nasiib darro ah” ayuu yiri Sanbaloolshe.

 

Sanbaloolshe waxaa nabadeyntan ku wehlinayay guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo hogaamiyaha Macawiisleyda Cali Jayte Cismaan.

Safarka Sanbaloolshe ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili uu der der gelinayo howlaha nabadsugida isagoo kutilmaamay howlkar ku tilmaaman ad adeeg iyo dhiiranaan.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles