Alshabaab oo Saraakiil oo saraakiil kadishay dowlada Soomaaliya dagaal Kadhacay Shabeelada Hoose.

Dagaal Khasaare badan dhaliyay ayaa kadhacay deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeelada Hoose kaasi oo lagu dilay saraakiil caan ah oo katirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Weerarka oo ku bilowdag qaraxyo oo ay soo qaaday Shabaab ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Busleey oo ku aadan xeebta Jazeera ee koonfurta Muqdisho.

Goobta la weeraray waxaa ku sugnaa ciidamadda Haramcad, Duufaan iyo Boolis-militeri oo maalmahan ka waday guluf ka dhan ah Shabaab.

Dagaalkan waxaa lagu dilay saraakiil uu kamid yahay Liibaan Golcad oo kamid ah saraakiisba ugu sareysa ciidanka boolis Milatari, kudhiwaad 10 kale oo askar iyo saraakiilba leh ayaa ku geeriyootay dagaalka oo kooxda ay soo qaaday gelinkii danbe ee xalay.

Alshabaab ayaa sidoo waxey dab qabadsiiyeen dhamaan agabki ciidanka ee laheed dowlada Soomaaliya.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles