Shirkad tallaalka Corona soo saartay oo qiratay in waxyeello caafimaad uu leeyahay

Shirkadda laga leeyahay Britain ee Astra Zeneca ayaa markii ugu horreysay maxkamadda ka hor qiratay in tallaalkeeda ka hortagga fayraska Corona uu keeni karo waxyeellooyin halis ah oo ay ugu wacan tahay xinjirowga dhiigga.

Oggolaanshaha naadirka ah ee shirkadan dawoonka sameeysa ayaa yimi ka dib dacwad fal-celin ah oo ay gudbiyeen daraasiin qoys oo dalbanaya magdhow gaaraya malaayiin lacagta giniga ah, iyaga oo sheeganaya in iyaga ama dad qaraabadooda ah ay u dhinteen sababo la xiriira tallaalka “ciladeysan” ee ay soo saartay shirkadu.

Qareenada u doodaya eedaysanayaasha ayaa aaminsan in kiisaska qaar ay ku kici karaan ilaa £20 milyan oo magdhow ah.

AstraZeneca oo fadhigeedu yahay Cambridge, oo ka doodeysa eedeymahan, ayaa ku qiratay dukumeenti sharci ah oo loo gudbiyay Maxkamadda Sare bishii Febraayo ee la soo dhaafay in tallaalkeedu “uu keeni karo, xaalado aad dhif u ah oo ah xinjirowga xinjirowga dhiigga.

Qirashada AstraZeneca ayaa timid maalmo uun ka dib markii ay ku dhawaaqday inay heshay dakhli ka badan £10 bilyan 4-dii biloood ee ugu horreysay 2024, taas oo u dhiganta koror 19 boqolkiiba ah.

Injineer Jamie Scott, oo ah aabbe leh laba carruur ah, ayaa ka mid ahaa dhibbanayaasha uu saameeyay tallaalka AstraZeneca wuxuuna gudbiyay dacwad magdhow ah.

Scott waxa soo gaaray dhaawac maskaxeed oo joogto ah ka dib markii uu ku dhacay xinjirowga dhiigga iyo dhiig-bax maskaxeed ka dib markii uu qaatay tallaalka bishii Abriil 2021. Ma uu awoodin inuu shaqeeyo wixii markaa ka dambeeyay.

Tallaalka Astra Zeneca

XIGASHADA SAWIRKA,PA MEDIA

Qoraalka sawirka,Tallaalka Astra Zeneca

Tani waa mid ka mid ah 51 kiis oo hadda loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee lagu raadinayo magdhow qiimihiisu dhan yahay 100 milyan oo ginni.

Marka laga hadlayo oggolaanshaha shirkadda, Kate Scott, oo ah xaaska Jamie, ayaa tiri: “Waxaan rajeynayaa in aqbbalaan magdhowga si aysan arrintaan u sii daba dheeraanin.”

“Waxaan u baahannahay raaligelin iyo magdhow cadaalad ah oo la siiyo qoyskayaga iyo qoysaska kale ee ay saamaysay. Runta ayaa noo hiilineysa, mana quusan doono.

Sarah Moore, oo ah qareenka u doodaya dadka dacwadda gudbiyay, ayaa AstraZeneca ku eedaysay in ay adeegsatay xeelado dib u dhac ah oo ka dhan ah dhibanayaasha.

Qareenada u doodaya eedaysanayaasha ayaa aaminsan in kiisaska qaar ay ku kici karaan ilaa £20 milyan oo magdhow ah.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,Qareenada u doodaya eedaysanayaasha ayaa aaminsan in kiisaska qaar ay ku kici karaan ilaa £20 milyan oo magdhow ah.

Tiro waddamo ah ayaa horay u go’aansaday in ay joojiyaan isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca, ka dib markii ay soo bexeen warbixinno sheegaya in dadka qaarkood ay ku dhacday xinjirowga dhiigga ka dib markii la siiyay tallaalka.

Wargayska The Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in dawladda Ingiriisku ay AstraZeneca ku xukuntay tallaabo kasta oo sharci ah, balse ilaa hadda way diiday inay soo farageliso kiiska hadda socda.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in daraasado madax-banaani ay caddeeyeen in tallaalka AstraZeneca uu si aad ah waxtar ugu leeyahay daawaynta cudurkan, maadaama uu badbaadiyay nolosha in ka badan lix milyan oo qof adduunka oo dhan sannadkii ugu horreeyay ee tallaalka.

Wargeyska Daily Mail ayaa tilmaamaya in dadka qaar ay isticmaaleen kharasaad caafimaad oo aad u sarreeya marka laga soo tago shaqo la’aanta. Xaaladaha qaarkood, xubnaha qoyskoodu ayay danta ku khasabtay inay ka tagaan shaqada si ay u siiyaan daryeel habeen iyo maalin ah.

Marka la eego qorshaha magdhowga dawladda ee aan ku filnayn ama sabab la’aanta ah ee dhaawaca tallaalka, kaas oo jiray ilaa 1970-meeyadii, muwaadiniin badan ayaa bilaabay in ay dacweeyaan shirkadaha si ay u helaan magdhow badan.

Marka loo eego qorshaha dowladda, waxay ansixisay 120 kun oo giniga Istarliinka ah, taas oo loogu talagalay qoyska kuwa dhintay ama naafoobayilaa 60 boqolkiiba, tallaalka awgii.

BBC Somali

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles