Shirweynihi Maamulada Gobolada Iyo Degmooyinka Hirshabelle Oo La Soo Gabagabeeyay

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo gunaanudayay shirweynaha maamullada, goballada iyo degmooyinka Dowladda Hirshabeelle iyo isku-xirka dadaalada xasilinta oo muddo afar maalmood ah ka socday magaalada Jowhar ayaa caawa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Hirshabelle.

Waxaa munaasabada xiritaanka Shirweynahan ka soo qeybgalay Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed,Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabelle Cabdulahi Maxamuud Gacal, Xildhibaan Maxamed Deeq Barre Xaaji (Fiyoore) oo ka tirsan Baarlamaanka Federalka,Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan ayaa waxaa ku soo bandhigay suugaan kala gedisan kooxda Hiddo, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigey ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee Hirshabelle ay caanka ku tahay.

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle oo soo qabanqaabiyay shirweynahan ayaa soo bandhigey waxqabadka degmooyinka uu ka kooban yahay Maamulka Hirshabelle oo gaaraya 22 degmo.

“Mashaariicda ka socota Hirshabelle ayaa waxaa ay gaarayaan illaa 176 mashruuc waxaana ka mid ah Mashruuc biyo xireenka Sabuun oo ku baxaysa lacag gaareysa labo boqol oo malyan oo dollar iyo mashaariicyo kale oo kuwa xasilinta ah kuwaasoo laga hirgeliyay degmooyinka dhawaan laga xoreeyay cadowga sida dhismaha xarumaha maamulka,saldhiyada Booliska, iskuulo, isbitaalo, nalalka cadceeda ku shaqeeya,ceelal,garoomo kubadeed iyo mashaariicyo kale.”ayuu yiri Maxamed Xasan oo ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha Hirshabelle.

Ugu dambeyntii waxaa munaasabada lagu soo xirayay shirweynahan ka hadlay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen waxana uu sheegay in Hoggaanka Hirshabelle uu mideysan yahay islamarkaana ay wada shaqeyn ka dhaxeyso dhammaan degmooyinka uu ka kooban yahay Hirshabelle.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles