Sida ay u sameysmaan iyo sida looga hortago dhagaxyada ku beerma kilyaha

Mid kamid ah awoodaha layaabka leh ee uu leeyahay jirka bini’aadamka ayaa ah in uu ku beermo oo uu soo saaro dhagxaan

Waxaana jirta goobo badan oo uu ku beermo dhagaxa waxaana kamid ah kiliyaha, tubbooyinka kaadi mareenka, iyo kaadiheysta waxaa sidoo kale jira goobo jirka kamid ah oo uu ku beermo sida xameytida inkasta oo ay kala duwan yihiin qaabka ay ugu kala beermaan.

Sidee ayay u sameysmaan dhagaxda kiliyaha iyo kaadimareenka ku abuurma?

Dhaqtar Cabdikariim Gabeyre oo ku taqasusay daaweynta iyo qaliimada kilyaha iyo kaadi-mareenka ayaa BBC-da uga warramay qaab sameysinka iyo waxyaabaha sababa in ay abuurmaan dhagxaantaan waxa uuna sheegay in ay badan yihiin dhagxaanta ku sameysma jira, mid kamid ah sababaha ayuu ku sheegay in ay tahay kala badnaanta macdanta jirka intii la rabay in lasaaro iyo intii dib ugu soo laabaneysay oo aan dheelitirneyn ‘’dhagxaanta waxyaabaha nugleeyo waxaa kamid ah biyo cabista oo yaraata oo maalintii qofku in uu cabo wax kayar labo liitar, waxkasta oo kaadida tiradeeda yareynaya, wadamada kulul oo kale dadka jooga, dadka cayilan, dadka sokorta qabo, dadka qanjirka tayroodka qaba, waxyaabahaas oo dhan waxyaabaha nugleeyo waaye’’ ayuu yiri dhaqtarka.

Dhaqtarka ayaa intaa hadalka ku daray in sababaha uu dhagaxa ku abuurmo ay kamid yihiin biyaha lacabayo, dhaxalka, iyo deegaanada soomaalida qaar. ‘’ waxyaabaha kale ee ka qeyb qaata sameysinka dhagaxa waxaa kamid ah dadka cusbada badan cuna, dadka hilibka burutiinka badan cuna, dadka waqti dheer gaajoonaada ama haraada’’ ayuu yiri.

Dhaqtar
Qoraalka sawirka,Dhaqtar Cabdikariim Gabeyre waxa uu ku taqasusay daaweynta iyo qaliimada kilyaha iyo kaadi-mareenka

Dhagxaanta ku sameysma kiliyaha iyo kadimareenka ayaa la sheegaa in tobankii qofba laga helo hal qof, iyadoona ay ku kala duwanyihiin qaabka ay ugu sameysmaan cabir ahaan, waxaa jira qaab cabir sheegaya in hal millimitir oo balac ah ilaa dhowr senti mitir ama kabadan uu ku sameysmo si isku dhagan iyadoona ay jiraan qaabab kale oo ay iskugu xiranyihiin sida in uu ku wareego marinada kaadida taas oo lagu magacaabo ‘calculus staghorn’.

Waxa ay dhagxaantaan dhibaato ku keenaan tubbooyinka kaadida ka soo qaada kelyaha una gudbiya kaadiheysta.

Hadii tani dhacdo, waxa ay keeni kartaa xanuun daran oo dhanka dhabarka hoose ah, marka ay yaraato socodka kaadida, iyana waxaa ka dhalan karta caabuq ama kaadi ku aruurta gudaha iyo hareeraha kelyaha.

Xameytida dhagaxa ku sameysma ayaa isna ah xaalad kale oo caadi ah oo ay dadku la kulmaan, taas oo saameyn iyo waxyeelo u geysata isla xameyida, qaabsameyska ayaana ku bilowda in ay xirmaan tubbada dhiiga iyo midda xiidmaha dhiigga, dhagaxa xameytida ayaa sababa in uu badalmo midabka, balse waxaa jira kala duwanaasho u dhaxeeya dhagaxa ku beerma killida iyo midka ku beerma xameytida, hadii dhagaxa xameytidu uu galo meel banaan oo ciriiri ah sida xuubka xameytida caadiga ah waxa ay keeni kartaa dhibaatooyin sida calool xanuun, caabuq, iyo cagaarshow.

Jirka ayaa sidoo kale waxaa ku jira walxo kale oo awood u leh in ay adkaadaan oo ay isku badalaan dhagxaan, tusaale ahaan maadada saxarada ayaa noqon karta mid aad u adkaata oo isku badasha dhagax waxaana loo yaqaan ‘coprolite’ waxaa jira waxyaabo kale oo uu jirku uruuriyo kuwaas oo isugu taga qeybta hoose ee caloosha, waxaana ka sameysma dhagax loo yaqaan ‘omphalolite’.

dhagxaanta ku beerma kiliyaha iyo kaadimareenka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,10-kii qofba mid kamid ah ayaa qaba dhagxaan kelyaha.

Sidee looga fogaadaa in dhagxaan ay ku sameysmaan kiliyaha iyo kaadimareenka?

dhagxaanta ku beerma kiliyaha iyo kaadimareenka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,Kelyaha iyo dhagxaanta xameetida waxay keeni karaan xanuun daran oo dhabarka hoose iyo caloosha ah.

Dhaqtar Cabdikariim ayaa sheegay in dhagxaanta ku abuurma jirka lagu suuliyo qaabab kala duwan oo ay kamid yihiin in lagu saaro qaliino kala duwan sida qaliinka laysarka ama midka caadiga ah oo qofka jirkiisa la jeexo, waxaa kale oo jira hadii ay yaryihiin dhagxaantaas lagu soo saaro daawo.

Balse dhaqtarka ayaa sheegay in ay jiraan bukaano horay looga saaray dhagaxa oo uu dib ugu soo laabto ‘’waxaa badan soo laabashada dhagxaanta sanad gudaheed 10%, halka shansano gudaheed uu soo laabanayo 50% tobankii sano ayuu soo laabtaa 80% waxaana macquul ah in uu qofka ku soo wada laabto’’ ayuu yiri dhaqtarka.

Dhaqtar Gabeyre ayaa ku taliyay talaabooyin fudud oo looga hortagi karo sidoo kalena lagu taqalusi karo in dhagxaan ay ku sameysmaan kiliyaha iyo kaadi mareenka.

Waxa uu ku taliyay in qofka uu ka shaqeysiiyo caloosha si aysan saxarada u fadhiisan, cabista in kabadan saddax liitar oo biyo ah, dhimista miisaanka iyo sameynta jimicsiga iyo in qofka isku arka xanuun dhanka kelyaha ama kaadi mareenka ah uu tago goob caafimaad si looga baaro dhagax inta uusan ku weynaan.

BBC Somali

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles