Sida tahriibayaasha Soomaalida ee Libya ay uga sheekeeyeen khiyaano lagu safriyay

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa Libya ku booqday qaar ka mid ah dhalinyarada Soomeeliyeed ee ku sugan Libya kuwaas oo halkaas ku tagay tahriib.

“Libiya waxaan markii hore u tagnay ka qeyb galka shir Jaamacadda Carabta ah balse markii dambe ayaan waxaan u kuur galeynay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee Libya ku nool, waxaan la kulanay qaar ka ka mid ah dhalinyaradii halkaas tahriibka ku tagay oo ay soo marin habaabiyeen magafayaasha waxayna ahayd arrin aad u adkayd oo xaaladeedana iska cusleyd,” ayuu yiri wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan la kulmin dhalinyaradii mar sii horreysay laga soo furtay magafayaasha, waxa uunsa wasiirka ku sababeeyay in weli ku jiraan gacanta xeer ilaalinta maaddaamaa ay ahaayeen dhibaneyaal muddo dhib loo geysanayay sidaas darteed waxa uu sheegay in loo baahnaa in loo maro hab sharci ah maaddaamaa ay baaris ku socotay.

Wasiirka ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in dhalinyarada magafeyaasha laga soo furtay lala soo qabtay nimankii dhibaatada iyo jir dilka u geysnayay.

“Dhalinyaradaas inooma suurogelin inaan la kulano laakiin waxaa la kulanay dhalinyaro kale oo eheladooda ay ka soo furdaamiyeen ama si kale cagahooda uga soo baxsaday kuwaas oo waqtiyo kala duwan soo gaaray Libya, qaarkood 5 sano ayay joogeen halka qaarna ay bilooyin yar joogaan.”

Wasiirka ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in dhalinyarada magafeyaasha laga soo furtay lala soo qabtay nimankii dhibaatada iyo jir dilka u geysnayay.

XIGASHADA SAWIRKA,RADIO MUGASHO

Qoraalka sawirka,Wasiirka ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in dhalinyarada magafeyaasha laga soo furtay lala soo qabtay nimankii dhibaatada iyo jir dilka u geysnayay.

Waxa uu sheegay in dhalinyaradaas ay u badnaayeen dumar u sheegay inay qaarkood joogaan laba bilood wax ka yar.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ay BBC-du weydiisay oo ahayd waxa laga dheehan karay wajiyada dhalinyarada ay la kulmeen ayaa sheegay inay dhibaato soo mareen oo uusan jirin qof raaxo ku yimid.

“Dhalinayada marka laga reebo laba wiil waxay noo sheegeen in magafayaashu ay soo qiymaaneen ka dib markii ay u sheegeen in Addis Ababa laga saarayo diyaarad geynayso bariga Yurub balse ay ku dambeeyeen Libya,” ayuu yiri wasiir Maxamed Barre

Dhalinayada xiran ee Libya ayaa waxa uu wasiirka sheegay inay laba siyaabood u xiran yihiin. “Kuwo kalana waxa ay u xiran yihiin dowladda Libya oo laga soo qabtay xeebaha iyagoo doonaya inay doonyo raacaan halka kuwa kalena ay haystaan manaxayaasha”.

Wasiir Maxamed Barre ayaa sheegay in safar hore oo uu laba bilood ka hor tagay la kulmay raysal wasaaraha oo uu kala hadlay sidii dhalinyaradaas loo soo deyn lahaa haddana uu markale kala hadlay ayna u ballan qaadeen inay ka shaqeynayaan arrintaas.

Tobannaan muhaajiriin oo u afduubnaa magafayaasha Liibiya oo bishan la sii daayay

Liibiya ayaa marin u ah muhaajiriinta ka baxsanaya amni xumida iyo saboolnimada ee u nolol doonanaya qaarada Yurub, iyagoo adeegsanaya marinada khatarta ah ee saxaraha iyo badda Mediterranen-ka.

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

Qoraalka sawirka,Liibiya ayaa marin u ah muhaajiriinta ka baxsanaya amni xumida iyo saboolnimada ee u nolol doonanaya qaarada Yurub, iyagoo adeegsanaya marinada khatarta ah ee saxaraha iyo badda Mediterranen-ka.

Ugu yaraan 107 muhaajiriin ah oo isugu jira dumar, rag iyo caruur ayaa laga sii daayay afduub loogu haystay Koonfur Bari Liibiya, sida uu sheegay afhayeenka xoogagga amaanka horaantii bishan.

Waliid Al-ra’uufi oo ah afhayeenka waaxda dambi baarista ee magaalada Banqaasi ayaa sheegay in afduub ahaan loo haystay dadkan oo ku socday qaaradda Yurub.

Muhaajiriintan ayaa ka kala yimid dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, waxayse u badnaayeen Soomaali, sida uu sheegay Waliid al-ra’uufi.

‘’Waxan u daadanay bartamaha guri ku yaala Kufra, waxana halkaas ugu tagnay muhaajiriin si sharci darro ku yimid oo isugu jira haween, caruur iyo dad da’ ah, waxana ka muuqday jirkooda jir dil xun iyo xabado’’ ayuu yiri Waliid.

Lama oga in wiilasha Faadumo ay ku jiraan kuwa laga soo furtay Kufra iyo in kale, waxayse kaliya ayagtay muuqaal ay wiilasheeda ka dhex aqoonsatay oo la leeyahay, waxa laga soo badbaadiyay magafayaasha Liibiya.

Liibiya ayaa marin u ah muhaajiriinta ka baxsanaya amni xumida iyo saboolnimada ee u nolol doonanaya qaarada Yurub, iyagoo adeegsanaya marinada khatarta ah ee saxaraha iyo badda Mediterranen-ka.

Liibiya hadda waxay hoy u tahay 704,369 muhaajiriin ah, kuwaas oo u kala dhashay 43 wadan, sida ay muujinayso xog ay ururin ay sameeyeen boqol qof oo ka socday dawladda hoose, kuna soo baxday tirkoobyada Qarmada Midoobay.

Bishii Maarso ee sanad kan, hay’adda caalamiga ah ee socdaalka (IOM) ayaa sheeegtay in 65 maydad muhaajiriin ah laga helay xabaal wadareed ku taala Koonfur Galbeed ee wadanka Liibiya.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles