Guud ahaan, dhiigkarka looma heysto xanuun halis ah. Balse bahda caafimaadka adduunka ayaa ka digaya in haddii aan joogto loola socon cudurkan uu sababi karo xanuunno kale oo badan.
Hase yeeshee daraasad dhowaan ay dhiigkarka ka sameeyeen kooxda Machadka Baaritaanka Caafimaadka Hindiya (ICMR) ayaa lagu ogaaday in dadku aysan aad uga hadlin cudurkan.
Daraasadda oo lagu daabacay joornaalka caalamiga ah ee (IJPH) ayaa lagu sheegay in ilaa boqolkiiba 30 dadka dalkaas aysan iska baarin xanuunkan.
Waxaa jira dad kale oo badan oo daafaha dunida ku nool, gaar ahaan dhalinyarada oo dhaqaatiirt sheegayaan inaysan la socon xaaladdooda xanuunkan.joogto ula socon xaalkooda caafimaad.
Dhaqaatiirta ayaa sheegaya in haddii dhiigkarka aan joogto loola socon, ay imaan karaan cudurro badan oo khatar ah. Wuxuu horseedi karaa cudurro sida kuwa wadnaha ama xitaa dhimasho.
Dhaqaatiirta ayaa sidoo kale sheegay in dhiigkarka haddii si dhow loola socdo laguna daro habka qofku u nool yahay, aysan ka imaan karin khatar.
Xilliyadii hore, dhibaatada dhiigkarka ayaa bilaaban jirtay kadib da’da 50-60 sano. Haatan xitaa carruurta ayaa la daalaa dhaca dhiigkarka.
Cayilnaanta ama buurnida ayaa ah sababta ugu weyn. Isla markaana, dhiigkarka sare ayaa sidoo kale waxaa keeni kara isku buuq, hurdo la’aan, cunidda cunno ay cusbadu ku badan tahay amaba kuwa dufanta leh.
Afrika iyo dhiigkarka
Cilmi baaris ay sanadkii hore samaysay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba afartan iyo lix dadka Afrikaanka ah ay qabaan dhiigkar heerkiisu aad u sareeyo, arrintaas oo keenaysa in qaaraddu ay kaalinta koobaad ka gasho caalamka oo dhan.
Cilmi baaristu waxay sheegtay in habka aan caafimaadka waafaqsanayn ee loo nool yahay ay ka dhigan tahay in dadka Afrikaanka ah ee u dhimanaya xanuunnada halista ah ay ka badnaan doonaan kuwa u dhimanaya xanuunada lakala qaado marka la gaaro sanadka 2030-ka.
Soosaaraha warbixintan ayaa sheegay in arrintan la ogaaday ay tahay wax la yaableh maadaama uusan filaynin in uu arrintaas oo kale arko mudo tobanaan sano ah.
Magaalooyinka ay dadku ku soo badanayaan, cuntooyinka aan caafimaadka u wanaagsanayd, khamrida sida xad dhaafka ah loo cabo iyo jimicsi la’aan ayaa lagu sababeeyay dhibaatadan.
Calaamadahee mudan inaad degdeg dhaqtarka ugu tago?
Cadaadiska dhiigga ee caadiga ah ee qofka caafimaadka qaba ayaa ah 120/80 mm/Hg.
Tani waa xaaladda cadaadiska dhiigga ee wadnaha. Waana marka wadnuhu dhiigga ku shubmayo iyo marka uu sii deynayo una qeybinayo qeybaha kale ee jirka.
Balse haddii uu cadaadiska dhiiggu gaaro 140/90, waa inaad degdeg u raadisaa talo caafimaad. Haddii aad qabto dhibaato dhanka dhiigkar sarreeya ah waxaa lagama maarmaan ah inaad ka fiirsato cunnada iyo jimicsiyada aad sameyneyso.
Isla mar ahaantaa, daawooyinka uu dhaqtarku kuu qoray waa inaad joogto u qaadataa. Ha badsan hana yareyn xaddiga dawada uu dhaqtarku kuu soo qoray. Sidoo kale, dhiigkarka waa in joogto loo baaraa oo loola socdaa.
Sidee ayaad gurigaaga isaga baari kartaa dhiigkarka?
Dhaqaatiirta ayaa adeegsan jiray mercury sphygmomanometers. Balse haatan qalab koronto ku shaqeeya ayaa sidoo kale la heli karaa si loo baaro dhiigkarka.
Qalab tayo fiican leh ayaa lagu iibsan karaa lacag yar. Inkastoo qaabka loo isticmaalayo ay tahay in lagala tashto kalkaaliyeyaasha ama dhaqaatiirta sida meesha lagu xirayo iyo sida loo dhuujinayo.
Guud ahaan, qofku waa inuusan aalkolo cabin amaba sigaar cabin 20 daqiiqo kahor inta uusan iska baarin dhiigkarka.
Aad isu deji marka aad iska baareyso dhiigkarka. Si fiican ugu fadhiiso kursiga. marka aad iska baareyso dhiigkarka, ha u fadhiisan adiga oo lugaha isku laabay.
BBC