Sidee dalkaan dariska la ah Soomaaliya uu xal cusub ugu helay dadka dhalmo la’aanta ah?

Helen tesfay, (Ma ahan magaceeda dhabta ah), waxay ku jirtaa da’da afartameeyada, waxay guursatay ilaa iyo laba nin laakiin labadii jeerba ma aysan helin ubad

” Markii aan qoyska aadno, waxay na waydiiyaan maxaa u dhali weyday, tani waa welwel, ma haysto ilmo, sidaas darteed aad ayaan uga xumahay hadda, dhammaan walaalahay ayaa dhalay, aad ayaan u xumaaday sababtoo ah carruur ma haysto,” ayay tiri qofkaan oo deggan Mekelawa oo ka hadashay saameynta carruur la’aanta.

“Ilmaha waa shay aad muhiim u ah. Haddaan guri dhiso, ka warran haddaan keligay ahay? ayay iswaydiisay.

Helen ayaa BBC-da u sheegtay in inkastoo ay ka joogsatay caadada, haddana ay booqatay xirfadlayaal caafimaad oo kala duwan si ay isugu daydo inay uur yeelato. Inkasta oo ay qaadatay dawadii loo qoray, haddana wax isbeddel ah ma samayn. Laakiin hadda waxay sheegtay inay heshay xal rajo leh.

Helen Xitaa haddii ay ka joogsatay caadadu waxaa loo sheegay inay uur yeelan karto haddii ay heli karto deeq bixiye ukun.

Daawaynta noocaan ah waxaa bixiya Xarunta daawaynta Hooyada iyo Dhallaanka ee Ado oo ku taal magaalada Mekele ee gobolka Tigray.

Helen, oo maqashay nidaamkaan cusub ee ilmo beerista ayaa waxay sheegatay, in ay baryahaan haweena ay isku dhaw yihiin waydiineysay hadii ay siin karaan ukun iyo in kale.

In kasta oo aanay jawaab farxadeed ka helin inta badan dadka ay waydiisay su’aasha. Waxay BBC-da u sheegtay in xaaska walaalkeed ay u muujisay rabitaankeeda ah inay siinayso ukunteeda.

ITOOIYA

XIGASHADA SAWIRKA,ADO

Xaruntan bixisa noocaan daaweynta dhalmo la’aanta, taas oo arurisa shahwada iyo ukunta dumurka ayaa oqolaanshaha shaqaynta ka haysata haya’adda cunada, dawooyinka iyo ilaalinta caafimaadka gobolka tigraay.

Milkiilaha xarunta Ado, Dr. Samson Mulugeta, ayaa BBC u sheegay in ka dib markii uu helay ogolaanshahan, uu ku guulaystey abuuritaanka uurjiifkii ugu horeeyay isaga oo isku xiray shahwo la siiyay iyo ukunta xaaskiisa.

Yuusuf Ibraahim, oo ah maamule ku xigeenka hay’adda cunada, dawada iyo ilaalinta caafimaadka ayaa BBC-da u sheegay in hadda ay sugayaan dhalashada ilmaha haweenay iyo ninkeeda oo loo adeegsaday qorshahan.

Dadka kale ee xaruntan ku sugan ayaa iyagu rajaynaya inay ilmo ugu dhashaan shahwo iyo ukun loogu deegay sida uu sheegay Dr.Samson oo ka dalbaday dadka diyaarka la ah ukunta iyo shahwada in ay ku deeqaan.

Arrintaan ayaa xasaasi noqon karta marka ay joogto dadka muslimiinta ah dhexdeedo.

Culimada Islaamka ayaa qaba in marka la sameynayo bacriminta ilmaha ay tahay in la fiiriyo shuruudo ay ka mid ah yihiin in shahwada iyo ukuntaba ay leeyihiin oo kaliya labada ruux ee isqaba.

ITOOBIYA

XIGASHADA SAWIRKA,ADO

Xilliga ay bilaabatay howshan

Diyaar garowga hirgalinta howshan ayaa ka bilaabatay xarunta daaweynta hooyada iyo dhalaanka ee Ado inta aanu bilaaban dagaalkii waqooyiga Itoobiya, basle dagaalka dartiis, dadaallada lagu bilaabayey daawaynta waa la hakiyay, dagaalka ka dibse hawshu dib ayay u bilaabatay.

Xaruntu waxay hadda raadinaysaa dad doonaya inay ku deeqaan shahwada iyo ukunta.

Sida uu sheegay Dr. Samson; Qof kastaa kuma deeqi karo shahwada ama ukunta, deeq bixiyayaasha labada jinsiba waxay leeyihiin shuruudo u qalma oo ka baxsan mutadacwacnimadooda.

‘‘Ku deeqayaasha shahwada ragga waa inay ku deeqaan in ka badan 1.5 ml oo shahwo ah. Waa inay jiraan in ka badan 15 milyan oo unug shahwo ah. Intaa waxaa dheer, deeq-bixiyeyaasha waa in la baaro si loo hubiyo in ay xor ka yihiin HIV, fayraska cagaarshow iyo cudurrada kale ee faafa,” ayuu yiri Dr.Samson.

Dr. Samson waxa uu sharaxay in sidoo kale ay jirto xaddidaad da’da haweenka ku deeqa ukunta ah: ‘‘Haweenka u qalma ku deeqidda ukuntu waxay da’doodu u dhaxaysaa 20 iyo 30. Intaa waxaa dheer, deeq-bixiyeyaasha dumarka ah waa inay hore u dhaleen, sababtoo haweenayda hore u dhashay uxganteeda ayaa la tijaabiyey,”

Mulkiilaha xaruntan ayaa sheegay in deeq bixiyayaasha buuxiya shuruudahan ay heshiis la geli doonaan hay’addan.

Qodobada heshiiska ku jira waxaa ka mid ah in aan la cayimin cidda la siinayo shahwada ama ukunta lagu deeqay.

“Marka la bixinayo dhiigga, lama garanayo cidda la siinayo. Waxaa loogu talagalay in lagu badbaadiyo nolosha aadanaha. “Halkan, caawinta dadka ayaa laga fikiraa,” ayuu yidhi, isagoo tilmaamay in qaabkiisu uu raacayo mabaadi’da ku-deeqidda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira xaalado ay suurtagal tahay in la ogaado cidda loogu deeqay shahwada , mid ka mid ah xaaladahaas waa marka dadka lagu beerayaa ay keenaan deeqbixiyeyaashooda.

Muxuu sharcigu Itoobiya ka qabaa taranka macmalka ah?

Yuusuf Ibraahim, oo ah maamule ku xigeenka maamulka cunnada, dawooyinka iyo ilaalinta caafimaadka ee gobolka Tigray, ayaa BBC u sheegay in xafiiskoodu Ado uu fasaxay in ay qaataan deeqaha shahwada iyo ukunta kadib codsi uga yimid xarunta.

Howshan waxaa ku dhashay afar ilmo ah gobolka Tigree, kaas oo waalidiin ilmo l’aana ah ay ku ubad heleen deeq ukun iyo shahwo oo ay ugu deeqeen dad kale

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles