Sidee la gu heli karaa waxbarasho tayo leh?

Ummad horumarsan iyo mid dib u dhacsan waxa keliya ee ka la duway waa xaddiga iyo tayada waxbarashada ay mid waliba hesho. Xaddigu waa tirada bulshada waxbaratay inta ay la’eg tahay iyo culuunta la bartay noocyadeeda, tayaduna waa waxa la bartay heerarka aqooneed ee loo yeeshay. Sidaa darteed qolo walba waxaa ku waajibay in ay dadaalka iyo awoodda u gu badan taa saarto. In goobo iskuullo iyo jaamacado la gu sheegay uun carruurta loo dareeriyo wax aad u ga badan bay u baahan tahay tacliinta aayaha wanaagsani. Taas baa ka la duwaysa tusaale ahaan waxbarashada Finlaand oo ay midho khayr leh ka gurteen iyo ta Sacuudiga ee Ilaahay barakadii ka qaaday oo aan irbad samayn karin.

U gu horrayn waa in uu jiro manhaj waxbarasho oo u degsan si ay ku jiraan fikir fog iyo aqoon dheer oo dhan walba leh. Waa in uu yahay manhaj ku fadhiya xaqiiqooyinka cilmiga iyo maskaxda xorta ah, kana madhan khuraafaad, been, fikir abaaday iyo wax kasta oo aan kordhinayn garaadka, ogaanshaha iyo akhlaaqda ardayga. Waxbarasho tayo xun astaanteeda u gu weyni waa manhaj xumada.

Waa in barayaasha iyo guud ahaan dadka tacliinta ka shaqeeya aqoontoodu ahaato mid aad u sarraysa oo ay yihiin dad xul ah, tababar dheeraad ahna ku haysta farsamooyinka barbaarinta aqooneed, akhlaaqeed iyo jidheed ee ardayga. Macallinku waa in uu noqdaa ka bulshada u gu mushahar sarreeya ee u gu nolol wanaagsan si sumcaddiisa iyo qiimigiisu u weynaadaan.

Manhajka iyo dhaqanka waxbarashadu waa in uu noqdo mid ardayga ku dhiirrinaya heerka u gu sarreeya ee maskax furnaanta, wax is wayddiinta, fiiro dheerida iyo wax baadhista. Habka waxbarashadu mar walba waa in uu yahay mid ardayga gelinaya ashqaraar iyo filashooyin waaweyn oo maaddadu ku beerto ilaa ay sii jiidato oo uu jeclaysto in uu wax kale ka sii barto. Waa in aad iyo aad loo ga fogaadaa hab dhaqanka xun ee ah in ardaygu casharka xifdiyo uun, imtixaanka ku baaso uun, dabadeed isaga oo jaahil ah qalinjebiyo. Sida uu yahay habka casriga ahi ardayga waa in la siiyaa xorriyad iyo masuuliyad badan oo uu isagu wax ku baadho waxna is ku baro (imika waxaaba la yidhaahdaa kaalinta macallinku ka ma badna 15%).

Waa in awoodda la saaraa barashada culuunta fikirka ee maskaxda dadka korisa iyo ta sayniska ee waxsoosaarka maaddiga ah la gu gaadho. Waana in ardayga la ga daayaa in loo qurxiyo oo la gu luggooyo beenaha, khuraafaadka hiddaha iyo ku dhaadashada xumaha. Waxbarashadu mar walba waa in ay korisaa akhlaaqda iyo dhaqanka suubban ee ardaygu dadkiisa iyo dunida ku la noolaan doono, la gana fogeeyaa nacaybka, takoorka iyo cunfiga, la guna tarbiyeeyaa ilaalinta habsamida iyo nabadda. Goor walba waa in ay taagnaataa wayddiinta ah: waxan la baranayo maxaa faa’iido u gu jirta mustaqbalka ardayga iyo bulshada?

U gu dambayn tacliinta iyo aqoonta guudba si ay u tayoobaan waa in aan la gu koobin uun iskuullada iyo jaamacadaha ee waa in la helaa maktabado, turjumaado, kutub la qoro, wargeysyo iyo warbaahin aqooneed iyo golayaal iyo hay’ado aqoon kororsi.

W/Q. ibraahin Howd

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles