Sidii ay ku danbeeyeen madaxdii kala duwanaa ee Iran soo hugaamisay ee qaarkood la khaarijiyay

45-kii sano ee ay jirtay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, marka laga reebo Ali Khamenei, dhammaan madaxdii dowladeed waxaa meesha lagaga saaray hab ficil ah ama siyaasad kuwaas dhammaantood si ugu eekaa natiijo ahaan.

Ka dib Mohammad Ali Rajaee, Ebrahim Raeesi waa madaxwaynihii labaad ee waqtigiisa xafiiska soo ildaalay iyada oo ay haleeshay dhacdo halis ah oo galaafatay noloshiisa.

Mehdi Bazargan: Iscasilaad

Madaxii ugu horeeyey (ku meel gaadh ah) ee dawladii kacaanka ka dib waxa uu bilawgiiba qabay cabashooyin ku aaddan sida maamulka uu yahay iyo inta ay leeg tahay awoooddiisu, isaga oo doonayey awood ka badnayd inta uu haystay.

Waxa uu xilka iska casilay markii uu la kulmay caqabado badan oo ay ka mid tahay qabasashadii safaaradda Mareykanka ee Tehran, waxna uu awoodi waayay xilligaas.

Khumeyni oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee jamhuuriyada islaamiga ah ee iiraan ayaa u raadiyey ninkan madaxtinnimada taas oo ku kasbaday maadaama uu rumaysnaa oo ku kalsoonaa Abolhassan Bani Sadr. Waxa uu ku guulaystay doorashada in ka badan 75% codadkii la dhiibtay.

Khilaafkii u dhexeeyey Abolhassan Bani Sadr iyo Xisbigii Jamhuuriyaddii Islaamka oo kuraastii ugu badnaa ku lahaa Majliskii Kowaad, ayaa ugu dambayntii keenay in xilka laga qaado.

Ka dib markii la ceydhiyay, Bani Sadr waxa uu wajahay amar ah in la soo xidho isaga oo lagu eedeeyay “khiyaano qaran iyo shirqool ka dhan ah nidaamka”. Waxa uu u baxsaday Faransiiska oo uu ku noolaa inta noloshiisa ka hadhsanayd.

Mohammad Ali Rajaee: Qarxin

Kadib xil ka qaadistii Bani Sadr, cimrigii gaabnaa ee Mohammad Ali Rajaei ee madaxtinimo ee dhowr asbuuc ma gaadhin heer uu saamayn ku yeesho guud ahaan nidaamka iyo awooddii uu hayey. Isaga, oo la doortay Agoosto 1360, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo uu weheliyo Mohammad Javad Bahnar, oo xilligaa ahaa ra’iisalwasaarihiisii , 8 Sebtembar isla sanadkaas.

Ururka Mujaahidinta Shacabka ayaa lagu eedeeyay qaraxan, inkastoo aysan si rasmi ah u qaadan mas’uuliyadda qaraxan.

Mirhossein Mousavi: Xabsi guri

Mr. Khamenei waxa uu doonayey in Ali Akbar Velayati uu u noqdo ninka hananaya jagada madaxweynaha, balse baarlamaanka ayaan kalsooni u qaadin Mr. Velayati. Ugu dambeyntii, wuxuu ku qasbanaaday inuu baarlamaanka horgeeyo Mirhossein Mousavi oo aanu xilligaas isagu raalli ka ahayn.

Xidhiidhkoodii qallafsanaa ee isaga Khumayni ayaa sababay in uu iscasilo, taas oo markii danbena ku keentay in uu siyaasadda ka baxo, Labaatan sano ka bacdi 2008 ayuu ku biiray mucaaradka si marka ula tartamo Khumayni.

Natiijadii iska horimaadkan intii lagu jiray mudaaharaadyadii Dhaqdhaqaaqa Cagaaran ayaa ugu dambeyntii horseeday in la xidho Mr. Mousavi bishii Febraayo 2009; taas oo ilaa hadda socota.

Akbar Hashemi Rafsanjani: “dhimashadii dabbaasha” ee shakiga lahayd

Afartii sano ee ugu horeysay ee Akbar Hashemi Rafsanjani ee madaxweynaha ka ahaa 1368 ilaa 1372 waxay ahaayeen kuwo kacsan; Si kastaba ha ahaatee, kooxaha sida Ansar Hezbollah ayaa bilaabay inay ka soo horjeedaan siyaasadihiisa dhaqanka. Muddadii labaad, Ayatullah Khamenei wuxuu si cad uga soo horjeeday ‘siyaasaddiisii ahay suuqa xor ah”; Dhaliilo tiro ah ayaana loo jeediyay Hashemi Rafsanjani.

Akbar Hashemi Rafsanjani, oo mar loo tirinayay inuu yahay shaqsiga ugu awooda badan maamulkaasi kadib Mr. Khumeyni, ayaa waxaa wareegii labaad ee doorashada madaxtinimada ee 2004-tii kaga adkaaday oo ku guulaystay Maxamuud Axmedinejad.

May 1392 dii ayuu isu diwaan galiyay mar kale doorashadii madaxtinimo, waxaana yaab noqotay in qof kastaa uu la yaabay, in aan shahaadadiisii tartanka xilligaa la siin. Laakiin laba sano ka dib, doorashadii Golaha Khubarada, wuxuu helay codadka ugu sarreeya Tehran. Saddex sano ka dib, Janaayo 19, 2015, wuxuu dhintay isagoo ku dabaalanaya barkad.

Mohammad Khatami: Sawirka laga mamnuucay warbaahinta

Mohammad Khatami wuxuu noqday madaxweynaha Iran bishii Juun 1376 isagoo helay in ka badan 20 milyan oo cod. Laakiin laga bilaabo bilihii ugu horreeyay, markiiba calaamadaha xiisadda ayaa ka muuqanayay dabaqyada sare ee dowladda; iyada oo loo arkayey nin siyaasad ka geddisan tii nidaamku guud ahaan ku shaqaynayey.

Mohammad Khatami wuxuu ka sheegay xilli madaxweynanimadiisa in dowladiisa ay wajahday dhibaato hor leh 9-kii maalmoodba mar.

8dii Febraayo 2009, Khatami wuxuu ku dhawaaqay inuu u tartami doono doorashada madaxtinimada ee 200. laakiin wuxuu ka baxay 16-kii Maarso isagoo u door biday tartankaas saaxiibkii iyo lataliyihiisii muddada dheer, ra’iisul wasaarihii hore ee Iran Mir-Hossein Mousavi.

Kadib dhacdooyinkii mudaaharaadyadii looga soo horjeeday natiijadii doorashadii 2009, waxaa la mamnuucay in sawirkiisa lagu baahiyo warbaahinta gudaha Iran, sidoo kale wakaalada wararka ee Fars ayaa shaacisay in laga mamnuucay isagana in uu dalka ka baxo.

Mahmoud Ahmadinejad: Hoggaamiyihii cadhaysnaa

Mahmoud Ahmadinejad: Angry leader

Maxamuud Axmad Najad waxa uu noqday madaxweynaha bishii June 2004. Marka laga yimaaddo taageeradii Aayatullahi Khamenei iyo culimadii isaga ku dhowaa, waxaa laga fahmay in hoggaamiyaha Iran uu helay xilligaa shaqsi u dhow, oo la rabay madaxtinnimada. Laakiin midowgan siyaasadeed ma sii waarin waqti dheer.

Muddo kaddib is maandhaaf u dhexeeyey, doorashadii danbe waa laga saaray liiska isaga oo maray waddada kuwii siyaasadda dalkaas laga fogeeyey.

Hassan Rouhani: Tanaasul iyo siyaasadda ka bixid

Doorashadii Xasan Ruuxaani oo ka mid ah dadka aadka loo rumaysnaa in ay ku waari doonaan siyaasadda dalka Iiraan, ayaa loo doortay madaxweynaha dowladdii 11-aad ee sannadkii 2013-kii, waxaana dad badan ay ku macneeyeen in doorashaadiisu ahayd ‘afti Nukliyeer ‘ oo loola jeedo in lagu doortay qorsheyayaashii Nukliyeerka. Si kastaba ha ahaatee, isla heshiiskii Nukliyeerka ah ee loogu magac daray JCPOA ayaa noqday mid ka mid ah qodobbadii ay isku mari waayeen isaga iyo hogaamiyaha Iran kadib markii Donald Trump oo ahaa madaxweynihii Maraykanka ee xilligaasi uu ka horyimid.

Mr. Rouhani wuxuu isku dayay inuu kasbado kalsoonida Mr. Khamenei bilowgiisii madaxtinimo. Si kastaba ha ahaatee, Mr. Khamenei ayaa marar badan ku dhaleeceeyay inuu isku dayay inuu la xaajoodo Maraykanka iyo qorshihiisii ahaa diyaarinta u diyaargarowga heshiis kale oo lagu magacaabo JCPOA.

Ka dib markii ay dhammaatay muddo xileedkii labaad ee madaxweynanimada, waxa uu ku sigtay in uu iska aamuso si la mid ah Maxamuud Axmedi Nejad, wax erayo dhaleeceyn ah lagama maqal oo nidaamka ah illaa uu ka tanaasulay doorashooyinkii dalkaas, sidii kuwii hore ee dhiggiisa ahaa lagu sameeyey ama ay sameeyeen ee ay ku baxeen

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Ibrahim Raisi: Dhimashadii u danbaysay

Ebrahim Raeesi, kadib Mohammad Ali Rajaee, waa madaxwaynihii labaad ee Iran oo ay soo afjarto xaalad dhimasho ah waqtigiisa madaxtinimo kala badh xilli marayo Mr. Raisi waxa uu noqday madaxweyne ku dhawaad iyada oo aanu la kulmin loolan adag xilli Golaha Ilaalintu ay meesha ka saareen dadkii la tartamayey.

Labadii sano ee uuu madaxweynaha ahaa, ma jirin khilaaf weyn oo kala dhexeeya hogaamiyaha Iran, ama ugu yaraan ma jirin calaamado khilaaf ah oo si cad loo arkayey.

Mr. Raisi ayaa ku sii jeeday magaalada Tabriz fiidnimadii Axadda, May 30, ka dib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan kula kulmay xadka, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiin kale, diyaarad helicopter ah oo ay la socdeen ay shil ku gashay magaalada Jolfa. gobolka Bari ee Asarbayjan. Subaxnimadii Isniinta, kadib in ka badan 15 saacadood oo baaritaan ah, ayaa la sheegay in la helay burburka diyaaradda oo gubtay.

bbc

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles