Somaliland oo ku dhawaaqday xiliga uu dhaqan galayo heshiiski bada ee lagashay Itoobiya.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa si rasmi ah shaaca kaqaaday  qaaday in dhawaan laguda galyo fulinta Heshiiska iskaashi ee dowlada Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo ee kujirto saldhiga Militari ee dowlada Itoobiya kadhisaneeso biyaha bada Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Madaxda DFS ay ka xun yihiin, Aqoonsiga Somaliland isagoo sheegay in ay Itoobiya amniga Koonfurta dalka Somalia, qeyb lixaad leh ka sugto oo aan lagu qabsan, laakiin dhankooda loo diidan yahay horumarka.

Madaxweyne Biixi ayaa si weyn udhaliilay dowlada Soomaaliya isaga oo tilmaamay iney ka xun yihiin horumarka Somaliland taa badalkeedana ee marnaba ka hadlin ciidamada dowlada ee konfurta Soomaaliya xasilinta ka wada.

Heshiiska ee Itoobiya iyo Somaliland hore uwada saxiixdeen ayaa gilgilay saaxada siyaasada geeska afrika iyo caalamkaba iyadoo Dowlada Itoobiyana hore ula kulantay dhaleeceen xoogan.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles