Soomaali lagala laabtay dhalashada Norway oo markale sharci kahelay Faransiiska.

Mahad Abiib oo Sharci kahelay Faransa kadib marki ee sharci kala laabatay dowlada Norway

Mahad Abiib oo ah muwaadin Soomaali dalka Norwayna yimid sanadki 2000 isagoo dhameeyay waxbarashada heer jaamacadeed isla markaana noqday Injineer dhanka caafimadka ah ayaa kahowlgali jiray isbitaalka weyn ee UllevÄl sykehus ee magaalada Oslo.

Dowlada Faransiiska ayaa Mahad Abiib u ogolaatay in si sharci ah ugu noolaado dala Faransiiska kagadaal marka uu waayay dhalashada dalka Norway kadib marki lagu soo eedeeyay inuu sharci kuhelay qaab aan sax aheyn.

Dowlada Faransiiska ayaa sharci siismada Mahad u adeegsatay iney aaminsantahay inuu Mahad yahay Muhaajir Soomaali ah sida uu sheegay Abookatihiisa reer Norway mr Humlen.

Hay’ada Socdaalka Dalka Norway ayaa aamisan tan iyo sanadki 2016 in Mahad Abiib uusan aheyn Soomaali balse taa badalkeeda kasoo jeedo dalka Jabuuti isla markaana ee danbi tahay inuu sharci kuhelay been uu kasheegay jinsiyadiisa.

Dowlada Faransiiska ayaa kudhaleeceesay dhigeeda Norway in si aan sax aheyn loola dhaqmay Mahad isla markaana laduudsiiyay xuquuqdiisa.

«Wiligee lama kulmin xad gudub kan lamid ah oo dowlada Norway hore uga dhacay« ayuu yiri Abuukataha reer Norway Humlen.

Mahad Mahamud fĂ„r beskyttelse i Frankrike: Refser Norge: – Grov urett mot Mahad (tv2.no)

 

 

 

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles