Soomaaliya oo laga cabsi qabo iney ku hardamaan Quwadaha Iiraan iyo Mareykanka (Warbixin)

Iiran ayaa lagu eedeeyay inay gadaal ka riixayso isku dayga socda ee wada-shaqeyn ay ku yeelanayaan kooxda ay taageerto ee Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Sirdoonka Maraykanka ayaa dhowaan sheegay in ay ogaadeen in Xuutiyiinta Yemen ay ka wada hadleen sidii hub loo siin lahaa kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo qariyay magacooda in la xuso ayaa hadda wakaaladda wararka ee AFP u  sheegay in Iiran ay qeyb ka tahay qorshaha Xuutiyiintu hub ku siin karaan kooxda Al-Shabaab.

Warbixin ayaa lagu sheegay in Iiran ay doonayso inay xoojiso saamaynteeda gacanta Cadan, si weerraro ka dhan Maraykanka looga geysto halkaas.

Maraykanka waxa uu sheegay in qorshaha Iiran ay ku doonayso in Xuutiyiintu ay al-Shabaab siiyaan ilo cusub oo hub ah, ay keeni karto in Al-Shabaab ay gacanta u galaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si ay ugu weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.

Hadda, kooxda Soomaalida waxay heli karaan oo keliya gantaallo, hoobiyeyaal iyo miinooyin, oo ay u adeegsato dagaalka ay kula jirto dawladda Soomaaliya – hub yar balse dilaa ah. Xuutiyiinta, marka la barbardhigo, waxay haystaan hubka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, oo ay ku jiraan kuwa biyaha hoostooda mara.

Mareykanka ayaa uga digayay dalalka gobolka iskaashigan suurtagalka ah toddobaadyadii la soo dhaafay, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka. Dalalka Afrika ayaa sidoo kale billaabay in ay si firfircoon ula soo xiriiraan Mareykanka, si ay u gudbiyaan walaacooda, oo ay u helaan macluumaad dheeraad ah.

“Tani waa wada hadallo joogto ah oo aan la yeelanayno dalalka labada dhinac ee Badda Cas,” ayuu yiri qof xog-ogaal ah. “Oo waxaa loo eegayaa si dhab ah.”

Heshiiska suurtagalka ah wuxuu dhaqaale cusub u yaboohi karaa Xuutiyiinta.

“Inaad awood u yeelato inaad iibiso hubka qaar waxay ku siineysaa dakhli aad loogu baahan yahay,” ayuu yiri sarkaalka sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden.

Dhanka al-Shabaab, waxay siin kartaa fursad ay ku hesho ilo cusub oo hub ah – oo ay ku jiraan suurta-galnimada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) – kuwaas oo aad uga casrisan hubkooda hadda, waxayna siin kartaa kooxda awood ay ku weeraraan bartilmaameedyada Mareykanka.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles