Soomaaliya oo loo doortay xubin sare oo caalami ah

Shirweynaha Caafimaadka Aduunka ee ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya looga doortay xil sare tan iyo markii ay burburtay dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre.

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa loo doortay madaxweyne kuxigeenka Golaha Shirweynaha Caafimaadka Aduunka, wuxuna kamid yahay dhawr madaxweyne kuxigeen oo uu golahan yeelanayo sanad kan.

Wadamada madaxweyne kuxigeen ka noqonaya golaha sanad kan ee la doortay, waxa ay kala yihiin Soomaaliya, Kuuriyada Koonfureed, Maldova, Srilanka iyo Guyana.

Muddo xileedka madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeennada Golaha Shirweynaha Caafimaadka Aduunka waa hal sano. 194 wadan ayaa xubno ka ah, sanad kastana hal qaarad, wadan ka tirsan ayaa loo doortaa Madaxweynaha, madaxweyne kuxigeennadana waxa noqda xubno ka socda shanta qaybood ee dunida ee uu ku dhisan yahay ururka caafimaadka aduunka ee WHO.Sanad kan waxa xilka Madaxweynaha loo doortay dalka Butuswaana oo Afrika matalaya, waxana madaxweyne kuxigeennada kan gobolka Soomaaliya ay ku jirto ku soo aaday loo doortay Soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Golaha Shirweynaha Caafimaadka Aduunka Dr Cali Xaaji Aadan iyo madaxweyne kuxigeennada kaleba, xilkoodu waa mansab sharafeed, masuuliyaddoodana waxa kamid ah in ay gudoomiyaan shirrarka hadda socda iyo kan sanadka dambe.

Maxay uga dhigan tahay Soomaaliya xilkan cusub ee loo doortay?

Shrweynaha Caafimaadka

XIGASHADA SAWIRKA,WASAARADDA CAAFIMAADKA

Qoraalka sawirka,Shirka Golaha Guud ee caafimaadka aduunka

Wafdiga Soomaaliya ee ka qaybgalaya shirweynaha caafimaadka aduunka ayaa rumeysan in Soomaaliya ay tani uga dhigan wax weyn, inkastoo xilkan aanu ahayn mid fulineed, kaliyana uu yahay mid sharafeed.

‘’Soomaaliya wax weyn bay uga dhigan tahay, innagoo gobolkeena matalayna in aan madaxweyne kuxigeen noqono, tan kale waxa ka muhiimsan taas in aan ku biireyno guddiga fulinta ee ururka caafimaadka aduunka (WHO) oo goo’aanada meesha lagu karinayo iyo meesha go’aanada lagu gaarayo in aan qayb ka noqono muddo sedex sanno ah, taas ayaa muhiim ah iyadana,’’ ayuu BBC-da u sheegay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo hadda loo doortay in uu kamid noqdo madaxweyne kuxigeennada Golaha Shirweynaha Caafimaadka Aduunka.

Xilkan cusub ee madaxweyne kuxigeenka ee loo doortay Dr Cali Xaaji waxa kale oo uu u keenayaa Soomaaliya in ay xubin ka noqoto Golaha sare ee Ururka Caafimaadka Aduunka, kuwaas oo soo dhiraandhiriya hadba ajandayaasha looga doodayo shirrarka golaha loo dhanyahay.

‘’Haa guddiga fulinta waan noqoneynaa, waxa kaloo markii la i doortay aan si rasmi ah uga mid noqday guddiga guud, ee inta aan golaha guud ajandayaasha la keenin soo ansixinaya, ayaan kamid noqday kuwaas oo gaaraya illaa 21 xubnood, guddiga fulintana waan galayaa, berito ayaan kamid noqoneynaa oo isagana sedex sano ayaan ku jiri doonaa,’’ ayuu yiri Dr Cali Xaaji.

Hindasaha ay horgeysay Soomaaliya Golaha Shirweynaha Caafimaadka Aduunka

Shirweynaha Caafimaadka

XIGASHADA SAWIRKA,WASAARADDA CAAFIMAADKA

Qoraalka sawirka,Ergooyinka ka qaybgalaya Shirweynaha Caafimaadka Aduunka

Soomaaliya ayaa la tagtay shirweynaha hindise ay ka doodi doonaan xubnaha shireynaha ka qaybgalaya, kaas oo ku saabsan sidii aduunku ugu midoobi lahaa yareynta dhimashada hooyada iyo dhalaanka, si loo gaaro yoolka la hiigsanayo 2030-ka.

Qorshaha dunida ayaa ahaa in sanadka 2030-ka laga cirib tiro dunida dhimashada hooyada ee xiliga dhalmada iyo dhalaanka, waxaase muuqata in taasi aanay ka hirgali doonin qaarada Afrika.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu dhimashada badan hooyada iyo dhalaanka dunida oo dhan.

Wasiirka Caafimaadka Dawaladda Federaalka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa BBC-da u sheegay in hindisaha ay geeyeen Golaha Shirweynaha Caafimaadka Dunida uga gol leeyihiin sidii loo heli ahaa qorshe si dhameystiran dunida uga ciribtiraya dhimashada hooyada iyo dhalaanka.

‘’Waxa uu ahaa qorshe aan muddo soo wadnay, waxa jira yool la hiigsanayo oo ah in dunida laga cirib tiro dhimashada hooyada iyo dhalaanka 2030-ka, waxa jira dalal aan yoolkaa gaari karin, waxan sanad ka hor guddiga fulinta u gudbinay qaraar dhigaya in dawladahaas yoolkii la lahaa aan gaari karin 2030-ka ee u muuqda in ay ka dib dhacayaan in aduunku u midoobo sidii gacan looga siin lahaa, dhaqaalo ahaan iyo farsamo ahaan,’’ ayuu yiri Wasiir Cali.

Hindisaha Soomaaliya ay soo jeedisay waxa ansixiyay guddiga fulinta ee Ururka Caafimaadka Aduunka, waxana loo gudbiyay Golaha Guud ee ururka oo ay xubno ka yihiin dawlado ka badan 190 xubnood. Halkaas ayay markale Soomaaliya ka jeedin doontaa hindisahan oo ay fileyso in aakhirka Golaha guud u codeeyo, uuna ansixiyo.

Soomaaliya iyo wadamada kale ee Afrika ayaa la saadaalinayaa in aanay gaari doonin yoolka ku aadan in laga ciribtiro dhimashada hooyada iyo dhalaanka, taas ayaan keentay in wafdiga Soomaaliya ay soo jeediyaan hindisahan.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles