Sooyaalka Taariikhda iyo Sahanka Mustaqbalka ee Soomaaliya (W/Q. Yuusuf Abdulle)

Tan iyo sanadkii 1516kii Soomalia waxay loolan la diiwaan galiyay kula jirtay gumaystaha cad iyo midka madaw oo lahaa wajiyo kala duwan adeegsanayayna tabo kala duwan. Haseyeeshee wajiyadaas iyo tabahaas kala duwan waxay kuwada biyo shubanayeen hal meel oo ah; daciifinta iyo burburinta Soomaalia, ka dibna qabsashadeeda iyo la wareegideeda. Umad marka ay baaba’ayso waxaa martaa marxalado kala duwan waxayna qaadataa muddo ay usii dhutinayso burburkaas. Waxa ugu wayn oo sahla burburkaas iyo la wareegidaas waa qaybsanaan iyo kala tag dhexdeeda ah oo gaarsiisan qaarkood inay cadawgooda sokeeye moodaan cudud, xoogna u doontaan.

Taariikhda qoran oo sida fiican looga war hayo waxay tilmaamaysaa in ninka cad uu Somalia soo weeraray ka dib markii uu dumay jiritaankii Andalus oo Muslmiiinta laga saaray magaaladii ugu dambaysay ee Qunradha (Granada) December 2, 1492.  Cristovao Da Gama oo ahaa wiilkii uu dhalay Vasco Da Gama ayaa Mussawac oo Eritrea ah soo dagay ka dibna billaabay inuu xabashida ku taageero duullaanka ka dhanka imaaradihii Muslimka ee Soomaalidu hogaaminaysay ee Adal ee uu madaxa ka ahaa Imam Axmed Gureey. Inkastoo uusan ku guulaysanin gulufkaas oo asagiiba lugu dilay hadana waxay albaabka u furtay ninka cad oo xiriir joogta ah la yeeshay ninka madoow (xabashiga) oon isku haynay talada iyo hogaanka geeska Africa oo aan ku kala duwanayn diinta, luqada, iyo dhaqanka intaba nagana dhaxaysay xurguf mudo badan soo jirtay. Fara galinta ninka cad waxay kusoo dhamaatay inuu toos ula wareego xeebaha Somalia billawgii qarnigii 20aad. Waxaa xigay qaybinta Soomalia ee 1960 (Soomaalida koonfur iyo woqooyi oo midoobay iyo Soamaali galbeed iyo NFD oo Ethiopia iyo Kenya lakala siiyay iyo Jibouti oo ku hargtay gacanta gumaystaha cad ilaa 1977 kii).

Hamiga somali wayn iyo raadinta dadka iyo dalka maqan waxay ahayd hamiga dawladihii kala dambeeyay ee Somalia iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed meel walba oo uu joogo. Raadinta dhulkaas iyo dadkaas wuxuu kusoo gabagaboobay burburbka labadii gobol ee midoobay 1991 kii iyo dagaalkii sokeeye ee daba socday.

Wadada burburkaas waxaa falay oo geed qaaday ninka cad oo kashanaya midka madoow een is haynay. Maadaama Somalidu ku midaysan yihiin diinta, afka, dhaqanka, iyo deegaanka, waxa kaliya ee lugu kala qaybin karay waxay noqotay qabaa’ilka ay kala sheegtaan oo dagaallo daaq iyo biyo ku salaysan ay dhex mari jireen.  Su’aasha ugu muhiimsan waxay tahay maxay tahay ujeedka ninka cad iyo midka madaw ay Somalia iyo qabsashadeeda intaas oo juhdi iyo dadaal ah ugu bixinayaa? Waa arrin u baahan sharraxaad iyo arar dheer laakiin kusoo kooban dhaqaale iyo diin is wata oo salka isku hayya. Xurgufaha u dhexeeya dawladaha iyo dadyawga aduunka waxaa inta badan sabab u ah dhaqaale oo ku salaysan marinada badaha iyo wadooyinka muhiimka u ah ganacsiga. Dagaallada aduunka ugu waawayn waxaa ay ka dheceen wadada loo yaqaano jidka xariirta (silk road) oo mara bartamaha aasiya oo isku xira qaaradaha Aasiya, Yurub, iyo bariga dhexe inta aysan aad usoo shaac bixin ganacsiga maaraakiibta iyo muhimadda badaha. Ka dib waxaa aad muhiim u noqday meelaha baduhu ku kulmaan oo isku xira qaaradaha iyo wadamada sida Hurmuz oo badda carbeed iyo badda Cumaan, Jabal Daariq oo isku xira Badda cad (Mediterranean Sea) iyo badwaynta atlaanlikada (Atlantic Ocean), iyo Bab Al-mandab oo isku xira badda cas (red sea) iyo badwaynta Hindiya (Indian Ocean). Somalia waxay nasiib u yeelatay inay ka mid tahay wadamada dhaca meesha ay ku kulmaan badda cas iyo badwaynta Hindiya oo uu maro boqolkiiba 10 in ka badan ganacsiga aduunka. Meesha ay Somalia ku taallo waxay u keentay faa’iido iyo khasaaro sida ay tiri Wendy Sherman oo ahayd ku xigeenka wasiirka arrimaha dibada ee maraykanka ilaa xagaagii lasoo dhaafay July 2023. Hadaba waxa Somalia loo qaybinayo, loo qabsanaayo, loona rabo inay dawlad ahaanba Meesha uga baxdo waa arrimo dhaqaale iyo diin. Dhaqaalaha garanaye maxay yihiin arimaha diinta ee sababaya in Somalia xooga intaas la eg lagaliyo. Waxaa sabab u ah dadka Muslimka ah oo ay adagtahay in la gumaysto ama cid kale xukunta waayoo diinta ayaa ugu yeeraysa inay ka xoroobaan cid kasta oo kale sida xagga cibaadaba ay uga xoroobeen inay caabudaan ama u khuduucaan cid aan Rabbi ahayn.

Hadaba, maxaa la gudboon Soomaalida guud ahaan iyo gaar ahaan maamullada ka jira dalka

1. In la dardar galiyo dagaalka dalka looga saarayo khawaarijta oo cadawga gudaha meel la saaro si loogu firaaqoobo cadawga dibada.

2. In dowlada Turkey ga lala galo heshiis tababarid iyo qalabayn ciidamada Somalia aadna loo dadajiyo.

3. Hadday suurto gal tahayna in heshiis difaac lala galo dawlada Turkey ga oo ay difaacaan xeebaha Somalia inta laga dhissaayo ciidanka badda ee Somalia.

4.  In si deg deg ah ciidamo horudhac ah loo geeyo badda Zaylac iyo Lughaya dawlada Jabouti na heshiis deg-dg ah lugula galo inay marti galiso ciidankaas badda inta uu si buuxda uga dhismaayo ciidanka badda ee Somalia.

5. In si dag dag ah loo geeyo xuduudaha ciidamo ilaalilaya oo heegan ku jira

6. Somaliland in si gooni ah xooga loo saaro oo wada hadal lala furo maamulkooda, bulshada rayidka ah, iyo waxgaradkooda.

7. In la bilaabo dib u heshiisiin rasmi ah oo gaarsiisan heer tuulo, magaalo, iyo global kasta ka dhacda hogaankana ay u hayaan culumada iyo wax garadka umada.

8. Wacyi galin joogta ah oo hadaf fog leh oo dadka usoo celinaysa dareenkoodii dadnimo, dawladnimo, iyo umadnimo.

9. Diplomaasiyad qoto dheer oo ku dhisan gacma wax isdhaafsada guushu ku jirtaa oo lala yeesho cid walba oo Somalia ay dan dhaw iyo mid fogba ugu jirto xiriirkeeda.

10. Dhissid nidaam dawladeed oo dadka iyo dalka qabyohooda kala duwan si dhab ah u matala oo wadaag iyo tashi ku dhissan.

11. Dhissid ciidan qalabaysan oo wacyigoodu iyo aqoontoodu dhisantahay oo la hubiyo inay dalka difaacaan laakiin aysan siyaasada iyo maamulka faragashanin.

12. In la dajiyo qorshe fog oo ugu yaraan 100 sano ah oo ka jawaabaya halka aan rabno dalkeenu inuu gaaro dhanka xooga ciidan, dhaqaale, dawladnimo, diplomaasiyad,  aqoon, cimilo, khayraad, iwm boqolka sano ee socota.

Ugu dambayn Soomaaliya waxay sugaysaa dadkeeda oo u istaaga oo laba arrimood kala doorta.

Inay sharaf iyo karaamo ku noolaadaan jiilalka soo socdana dhaxal ay u aayaan uga tagaan. Ama inay dulloobaan jiilasha ka dambeeyana ay ku milmaan xabashi iyo ciddii kale oo gayiga Somalia la wareegta.


Yussuf  Abdulle is the executive director of the Islamic Association of North America and previously served as the Executive Director of the Humanitarian African Relief Organization (HARO).  Mr. Abdulle holds a Master’s in business analytics from the University of Saint Thomas, Minneapolis, Minnesota. He can be reached at yusuf.abdulle001@gmail.com
 

 

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles