Sweden oo sharciyo kasoo saareyso Xirashada Xijaabka

Dowlada Isweden oo doneyso iney dibu qiimeyn kusameeso heshiisyo la xiriiro xirashada Xijaabka ee dumarka Islaamka.
Xisbiyada siyaasadeed ku mideesan dowlada Sweden ayaa indhawaalba dibu qaabeyn kuwaday hanaanka siyaasadeed ee laxiriiro dadka soo galootiga, kuwaasi oo lagu wado iney saameyn kuyeeshaan dhinacyo badan.

Wasiirka sinnaanta jinsiga Paulina Brandbury, ayaa maanta ku dhawaaqday baadhitaan cusub oo ay dawladdu bilaabayso, kaas oo ay sheegtay in looga golleeyahay in lagu adkeeyo tallaabooyinka ka dhanka ah waalidiinta carruurtooda ku qasbaya inay xidhaan dhar diimeed, iyadoo diiradda la saarayo xijaabka

Si kastaba ha ahaatee, wasiirku wuxuu isla markaas carabka ku adkeeyay in qaadashada mamnuucida xijaabka ee iskuulada Sweden ay tahay “mid aan su’aal ka taagneyn,” sida ay ku warantay wakaalada wararka ee TT.

Waxay tilmaantay in la isku afgartay in la bilaabo baaritaanka cusub ee xisbiyada dowladda iyo xulafadooda ee Sverigedemokraterna , taasoo qeyb ka ah wax ka bedelka heshiiskooda.

Baaritaanku wuxuu ujeedkiisu yahay in dib u eegis lagu sameeyo sharci cusub si dembi looga dhigo in lagu qasbo xirashada dharka diimeed si ballaaran, oo ay ku jiraan, tusaale ahaan, “waalidiinta, qaraabada, ama shaqaalaha dugsiga oo ku qasbaya carruurta inay xirtaan xijaab ama dhar kale oo Diimeed ah

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles