Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi oo booqasho ku tagay xerada Arbacow

Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Dayaax Cbdi Cabdulle oo ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa booqasho ku tegay Xerada Arbacow oo ku taalla Muqdisho.

Muiimada safarka Dayax ayaa isugu jiray dhiirigelin iyo Kormeer uu ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanbka Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi.

Amar uu bixiyay Taliyaha ayaa wuxuu ahaa in ciidamada ku jira xeradaas ay tagaan furimaha hore ee dagaalka, ayna sare u qaadaan howlgallada ka socda gobolkada Shabeelaha Hoose.

Wuxuu intaasi ku daray in looga fadhiyo inay kaalin weyn ka qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, si looga ciribtiro gobolkaasi oo dhan.

Jeneraal Dayax iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa shalay sidaan oo kale u booqday deegaanka Dhanaane, iyagoo ciidamada qaranka ku amaanay sida ay ugu jilib dhigeen cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihi cashirka loogu dhigay Al-Shabaab, waxayna saraakiisha iyo ciidanka  ku dhiirigeliyeen inay sii wadaan howlgalladooda.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha uu ka socdo dagaalka Al-Shabaab, waxaana kooxda ay weli haysataa deegaano ka tirsan gobolkan oo ay kasoo abaabusho weeraro.

Inta badan weerarada Al-Shabaab ayaa lagu beegsadaa xarumaha ciidamada, waxaana sidoo kale mararka qaarkood ay weeraradooda usoo gudbaan magaalada Muqdisho.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles