Taliyaha ciidanka xooga dalka oo gaaray difaaca ugu dambeeya

Taliyaha Ciidanka Milateriga Soomaaliya S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow iyo Wafdi saraakiil ah oo hogaaminayay ayaa gaaray Degmada qadiimiga ah ee Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa si weyn waxaa ugu soo dhaweeyay Xarardheere saraakiil iyo askar ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxuuna noqday Taliyihii ugu horeeyay ee Xoogga dalka ah ee gaaray Magaalada xarardheere tan iyo Qaran burburkii.

Xarardheere ayaa gacanta cadawga laga saaray 16, Bishii january 2023, waxaana gacanta ku haaya Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo xoogaga Macaawisleyda Ee deegaanka.

Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidanka Milateriga Soomaaliya S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa waxa uu yahay inuu dhiirageliyo ciidamada, isla markaana ay diyaar garoobaan howlgalada ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa furimaha Hore ee dagaalka ayaa waqti badan la qaadanaya Ciidamada jiida Hore ku sugan, waxaana socda diyaar garoowga dagaalka lagu xureynayo deegaano hor leh.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles