Tenhag Muxuu Kadhahay kusoo Laabashada Sancho Ee United Iyo Qodobo Kale Oo Xiiso Leh

Bartilmaameedka Ugu Weyn  Ee Real Madrid Dhanka Difaaca Waxaa Ah Leny Yoro Oo U Ciyaaro Lille’s Oo Kaciyaarta Ligue 1-ka Faransiiska Waxaana Ay Real Kawarqabtaa Tartan Ay PSG Kala Kulmi Karto Keenitaankaan Daafacaan Mustaqbalka Ifaaya Leh .

Go’aanka Kama Danbeysta Ah Waxa Ay Ku Xernaan Doontaa Qiimaha Ay Kooxda Lille’s Ku Rabto Oo Wali La Shaacin Taas Ayaana Noqon Doonta Furaha Waxwalba Oo Kusaabsan Lawareegida Difaacaan Da’da Yar .

Iyadoo Ay Taas Jirto Waxaa Real Madrid June-ta Soo Socota Katagaya  Difaacooda Nacho Fernandes Oo Kusoo Biiray Academy-yada Kooxda  Asigoo 11 Sano Jir Ah Wuxuuna Maaliyada Los Blancos Xeranyahay 23 Sano Oo Uu Kooxdaan Matalaayo, Nacho Ayaa  Lagu Wado Inuu Kubaxo Qaab Beeca Xorta Ah.

Kahor June Wuxuu Diirada Saarayaa Siduu Kooxda U Caawin Lahaay Si Horyaalka Iyo Champions League Ugu Guuleystaan Ayadoo Kulanki U Danbeeyey Ee Man City Ay Kooxdiisa Wajahday Uu Qaatay Masuuliyad Weyn Oo Dhanka Didaaca Ah .

Pochettino Iyo Xertiisa Iyo Isqabqabsiga Dhanka Rigoorada .

Macalinka Reer Argentine Iyo Kooxda Blues Ee Chelsea Mauricio Pochettino Ayaa Kahadlay Isqab Qabsiga Ciyaartoydiisa Ee Ku Aadan Xagga Rigoorada Wuxuuna Yiri ” Waxbadan Ayaa Kahadleyna Kadib Isniintii, Waxaan Laheyn Kulan Dhammaan Ciyaartoyda Iyo Caawiyayaasha”

“Waan U Sharraxay In Haddii Markale Dhacdo Sidaan Oo Kale In Fariinta Iska Cadahay, Dishibiliinka Waa Muhiim” Sidaas Ayuu Hadalkiisa Kusoo Gaba Gabeeyey.

Hore Ayuu Uga Hadlay Pochettino In Wixi Rigoore Ah Uu Qaabishanyahay Cole Palmer Hadana Hadalkiisa Waxaa Laga Fahmaa In Qofkii Kula Dhaga Ciqaabtiisa Lahaan Doonnaa.

Tenhag Iyo Jadon Sancho.

Macalinka Kooxda United Erik Tenhag Ayaa Wax zlaga Weydiiyey Laacibka Umaahda Uga Maqan Ee Jadon Sancho Oo Wacdaro Ka Sameynaya Dhankaa Iyo Jarmalka Wuxuuna Yiri Sida Tan :

“Waan Ognahay In Jadon Sancho Yahay Laacin Cajiib Ah Sidaas Daraadeed Annaga Yaab Naguma Ahin, Laakiin Taas Ma Ahin Wax Na Quseeya ”

Majeclaan Laheyd In Sancho Kusoo Laabto Manchester United Ayaa Laweydiiyey Balse Wuxuu Kujawaabay “Maya”.

Xaalada Jurrien Timber.

Jurrien Difaaca Reer Netherlands Iyo Kooxda Gunners Ee Arsenal Wuxuu Hore U Galay Dhaawac Dheer Kaasoo Sababay In Fasal Dhan Oo Isaqabo Uu Maqnaado Balse Hadda Wuu Soo Kabanayaa Siduu Arteta Sheegay .

” Timber Wuxuu Umuuqdaa Runtii Mid Ku Wanaagsan Xagga Tababarka Arrin Aad Deg Deg Ah Ayey Kutahay Isaga Inuu Dhaqsi Ciyaaro Laakin Markale Ayaa Lagu Tijaabin Doonaa Ciyaartoyda Under 23 Kadibna Waa Arkeynaa”  Isagoo Kahadlaya Shaqsiyada Timber Wuxuu Kusoo Qatimay ” Waan Arkaa In Midig Iyo Bidixba UU ku Fiicanyabay Waxaan U Isticmaali Doonnaa Habab Kala Duwan “.

Xaaladaha Haaland Iyo De Bruyne.

Macalinka Man City Pep Guardiola Ayaa In Erling Haaland Uu Dareemay Xanuun Kulankii Real Xagga Muruqa Ah Wuxuuna Tilmaamay In Ay Qiimeyn Doonaa Sida Xaalka Noqdo Balse Taas Badalkeeda Wuxuu Sheegay In Kevin De Bruyne Uu Hadda Dareemayo Wanaag Balse Kulanki Real Uu Dareemay Xanuun Dhanka Qoobka Ah Isbuucaanne Uu Diyaar Yahay .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles