Tenhag Oo U Jawaabay Falanqeeyayaasha Iyo Falanqeyn Kooban Oo Kusaabsan United Iyo Liverpool

Macalinka Kooxda Red Devils Erik Tenhag Ayaa Biyo Qabow Kushubaya Markale Ololaha Ku Aadan Mustaqbalkiisa Garoonka Old Trafford Ayadoo Falanqeeyayaasha Iyo Qaar Badanoo Taageerayaasha Kamid Ah U Arkaan Inuusan U Qalmin Maamulida Kooxdaan Facaweyn Ee Man United.

Tenhag Asigoo Iska Indha Tiraayo Dhaleeceynta Kuwa Wax Falanqeeya Wuxuu Yiri ” Waan Garaneynaa Waxa Ay Ujeedadeenu Tahay” Asigoo Hadalkiisa Siiwata Wuxuu Yiri “Habka Aan U Ciyaarno Waa Wax Muuqdo Oo Iska Cad”.

Mar Wax Laga Weydiiyey Hadallada Xanafta Ah EE Pundits-ka Kuwa Wax Falanqeeya Ku Dhalleeceeyaan Wuxuu Yiri ” Ma Garanayo Waxbana Igama Gelin Maxaa Yeelay Taasi Waa Aragtidooda  Waan Naqaanaa Halka Aan Joogno Waa Naqaanaa Waxa Ay Ujeedadeenu Tahay ” Asigoo Kahadlaya Kulanka Maantana Wuxuu Yiri “Waxaana Dooneynaa Inaan Kulanka Maamulno Marki Aan Kubadda Heysano Iyo Marki Aanan Heysanin  Waxaan Dooneynaa Inaan Gadaal Kasoo ciyaarno”.

Kudhawaad Laba Fasal Ciyaareed Uu Old Trafford Joogo Tenhag Wuxuu Qarash Gareeyey £400M Oo Uu Saxiixyo Cusub Kusameeyey Waxaana Laleeyahay Wili Muusan Helin Ciyaartoydii Kuhabooneed Qaabciyaareedkiisa Hadda United Booska 6-aad Ayey Fadhidaa Kala Sareynta Horyaalka EPL Waxa Ayna 9 Dhibcood Ka Danbeysaa Kooxda Tottenham Oo 5-aad Fadhido .

Waxaa Laqiyaasaa In Tenhag La Buri Doono Hadii Laga Badiyo Kulanka Weyn Ee Goordhaw Old Trafford Kadhici Doono Kaasoo U Dhaxeeyo Man United Iyo Liverpool Hadii United Laga Badiyo Waxa Ay U Noqonee Guuldaradii 13-aad Oo Fasalkaan Kudhacdo Waana Taariikhda Ugu Xumeyd Abid Kooxdaan Kudhacdo Tenhag Ma Is Bad Baadin Doonaa Oo Liverpool Lugooyo Maku Noqon Karaa Si Aysan Usoo Barbareyn 20-ka Horyaal Oo Ay United Heysato Oo Liverpool Hal Xabo Dheer.

United Hore Ayey Hamiga Afarey Koobab Ah Uga Ciribtirtay Kooxda Liverpool Marki Ay Old Trafford Ku Dubteen 4-3 Kulan Bishi Hore March Ahaay Hadane April Ayaa Lajoogaa Waa Isla Old Trafford Jaanis Weyn Ayey United Heysataa Oo Ay Kuciil Ciilaan Kooxda Ay Xifaaltamaan Ee Liverpool.

Liverpool Xilli Ciyaareedkaan Ma Aysan Kabadinin Manchester United 2 Kulan Oo Hore Ay Lakulmeen Markaan Boorka Ma Iska Jafi Doonaan Oo Jawaab Maka Bixi Doonaan Xujada Ay Soo Hordhigeen Labada Kooxood Ee Tartanka Kala Dhaxeeyo Ee Arsenal Iyo City Oo Shalay Soo Wada Badiyey Culeyska Markaan Liverpool Ayuu Saaranyahay Waa Rajada Ugu Badan Ay Mucaaradka Qabaan In Liverpool Ku Kufi Doonto Old Trafford  Waa Arkeynaa Sida Ay Uga Jawaabaan.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles