Tobanka Kooxood Ee Lacagta Ugu Badan Ka Sameeye Iibka Garamadooda Oo La Shaaciyey

Tobanka kooxood ee lacagta ugu badan ay kasoo gasho iibinta dharka ama garamadooda, waxaana figta sare fadhida Barcelona oo xogta la diiwaangeliyey sannadkii hore ay ka dhigayso kaalinta koowaad.

Koox kasta oo kubadda cagta ah, waxa ay adduunyada ku leedahay dukaamo kala duwan oo lagu iibiyo dharkeeda iyo qalabyada kala duwan ee ciyaareed ee ay magacyadoodu ku qoran yihiin.

Sannadkii 1970kii ayay Leeds United bilowday, in garamadeeda lagula wareego garoonka iyo meelaha ku dhow, si ay taageereyaashu u iibsadaan, waxaana waqtigaas la xusayey sannad-guuradii 100aad ee tartanka FA Cup.

Halkaas ayay kasoo bilaabantay in kooxuhu ay dhaqaale ka sameeyaan iibka garamada ciyaartoydooda, iyo qalabka kaleba, waxaana konton sannadood kaddib waqtigaas ay hadda naadiyada dunidu il-dhaqaale ka dhigteen iibka dharkooda.

Inkasta oo Leeds United ay ahayd kooxda keentay fikirka ah in garamada la iibiyo, haddana waxay hadda liiska kooxaha lacagta ugu badan ka sameeya garamadooda ay kaga jirtaa kaalinta 16aad, waana qaaradda Yurub oo kaliya xogtani.

Kooxda horyaalka waddanka Spain ee Barcelona oo sannadkii 2023 ay iibka garamadeeda kasoo galeen lacag dhan £153 milyan oo Gini ayaa kaalinta koowaad ku jirta, waxaanay dakhliga intan le’eg samaysay iyadoo aanay joogin xiddigihii waaweynaa ee wacdaraha ka dhigi jiray Camp Nou sida Lionel Messi iyo Luis Suarez. Waxa kaalinta labaad ku jirta Real Madrid, halka Bayern Munich ay tahay kooxda saddexaad.

Halkan kaga bogo tobanka kooxood ee dhaqaalaha ugu badan ka sameeya iibka garamadooda

10. Tottenham (Nike) – £63 milyan oo Gini sannadkii
9. Juventus (adidas) – £63 milyan oo Gini sannadkii
8. Chelsea (Nike) – £74 milyan oo Gini sannadkii
7. Arsenal (adidas) – £76 milyan oo Gini sannadkii
6. PSG (Nike) – £83 milyan oo Gini sannadkii
5. Man Utd (adidas) – £111 milyan oo Gini sannadkii
4. Liverpool (Nike) – £113 milyan oo Gini sannadkii
3. Bayern Munich (adidas) – £126 milyan oo Gini sannadkii
2. Real Madrid (adidas) – £132 milyan oo Gini sannadkii
1. Barcelona (Nike) – £153 milyan oo Gini sannadkii
Xigasho: Laacib

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles