Trump iyo Madaxweynayaashii kale ee Maraykanka ee shirqoolka dil lala eegtay

Donald Trump ayaa nin hubeysan uu toogtay Sabtidii xilli uu ololaha doorashada ku jiray, waxaana falkaasi FBI-da ay ku tilmaantay isku day dil oo ka dhan ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka.

Trump ayaa dhaawac ka soo gaaray qaybta sare ee dhagta midig.

Adeegga baarista Kongareeska, oo furay tab cusub oo sheegtay in weerarrada tooska ah ee ka dhanka ah madaxweynayaasha, kuwa la doortay, iyo musharixiinta ay dhaceen ugu yaraan 15 jeer oo kala duwan, iyadoo shan ka mid ah ay sababeen dhimasho.

Jaantuskan hoose ayaa muujinaya isku dayo shirqool oo hore oo ka dhan ahaa nolosha hugaamiyaal Maraykank ah oo qaarkood guulaystay, kuwana ay guuldaraysteen.

Isku dayada dil

isku day dil

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Afar madaxweyne oo Maraykana ayaa la isku dayey in la dilo iyagoo xafiiska jooga, waxayna kala ahaayeen.

Abraham Lincoln: waxaa la dilay sanadkii 1865-tii isagoo ku sugan goob tiyaatarka Fords oo ku taalla Washington, dilkiisa waxaa fuliyey nin lagu magacaaabi jiray John Wilkes Booth.

James Garfield: waxaa la toogtay sanadkii 1881-dii isagoo ku sugan xarun tareenada laga raaco oo ku taalla Washington, basle dhaawacii soo gaaray ayuu u geeriyooday laba bilood iyo bar kadib.

William McKinley: waxa la dilay sanadkii 1901-dii , isagoo ku sugan magaalada Bufalo ee gobolka New York.

John F. Kennedy: waxaa lagu toogtay magaalada Dallas ee gobolka Texassm xilli uu doonayey inuu raaco gaarigiisa, waxaana dilka fuliyey nin la oron jiray Lee Harvey Oswald.

isku day dil

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Hoggaamiyaal ka badbaaday isku day dil

Saddex madaxweyne ayaa la dhaawacay, balse waxay ka badbaadeen isku day dil, intii ay xilka hayeen ama ka dib.

Donald Trump: Trump, oo soo noqday madaxweynihii shan iyo afartanaad ee Maraykan ayaa ka badbaaday isku day dil xilli uu ololihiisa doorashada ka waday Pennsylvania.

Madaxweynihii hore ayey ku dhacday xabad ka haleeshay dhagtiisa midig, waxaana la arkayey isagoo dhiig baxaya ka dib inta aysan ciidamada ammaanku ka saarin goobtii ka khudbaynayey.

Ronald Reagan: Waxaa lagu toogtay sanadkii 1981-kii bannaanka hoteelka Hilton ee magaalada Washington balse waa uu ka badbaaday weerarka.

Reagan, ayaa dhaawacmay ka dib markii mid ka mid ah rasaasta oo ka soo gudubtay gaarigii uu saarnaa ay kaga dhacday kilkisha bidix hoosteeda.

Gerald Ford: Waxa uu ka badbaaday laba isku day oo naftiisa halis lagu galiyey in ka yar saddex toddobaad sanadkii 1975 kii isaga oo aan dhaawacmin.

Theodore Roosevelt: Waxaa xabadka lagaga dhuftay xabado 1912-kii xilli uu ka waday magaalada Milwaukee ee gobolka Wisconsin ololihisa doorashada.

Isku dayada dil iyo madaxda kale ee Maraykanka:

Robert F. Kennedy: Waxa uu ahaa musharaxa madaxweyne ee Maraykanka, Kennedy waxa lagu dilay 1968-kii isagoo 42 jir ah, waxaana dilay nin hubaysan oo ku sugnaa Hotel Ambassador ee Los Angeles.

George C. Wallace: Barasaaabkii hore ee Alabama ayaa la toogtay sanadkii 1972-dii, dhaawaca gaaray ayaa sababay inuu cuuryaan ka noqdo qaybta hoose ee jirkiisa.

Isku dayga dil ee ugu danbayey Maraykanka ayaa dhacay sanadkan iyadoo sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka ee FBI da, ninka toogtay madaxweyne hore Donald Trump ayaa lagu magacaabaa Thomas Matthew Crooks.

Waxay sheegeen in uu yahay labaatan jir ka soo jeeda magaalada Bethel Park, ee Pennsylvania, sida ay ku xuseen warka ay soo saareen.

Toogashda Trump, ayaa imaanaysa iyadoo dalkaasi ay ka socoto ololaha doorashada madaxtinimo ee loo madlan yahay inay qabsoonto bishan November ee sanadkan 2024-ka.

Madaxweyne Biden, oo tartan adag kala dhaxeeyo Trump ayaa isku dayga dil ee lala beegsaday Trump ku tilmaamay mid aan meel ku lahayn Maraykanka.

Trump, oo saddex sano da’a ahaan ka yarJoe Biden ayaa u muuqda inuu doonayo inuu xoojiyo ololihiisa uu ku doonayo in mar labaad ku tago aqalka cad.

Waxaa ninkan lagu tiriyaa in taageerayaal mayal adag oo isga ku xiran ay sanadkii 2021-kii weerareen aqalka barlamaanka ee Capital Hill.

Madaxweynaha xilka haya, kuwiii hore iyo kuwa u taagan xilkaba waxaa ilaaladooda u xilsaaran haya’adda adeega qarsoon ee USSS.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles