Turkiga oo diyaariyay qorshe oo ku hakinaayo muhaajiriinta kuqul qulaya Ameerika iyo Yurub.

Dowlada Turkiga ayaa maanta dhaqan gelineesa sharci cusub oo lagu xakameenayo dadka muhaajiriinta ee sida xad dhaafka ugu qul qulayo wadamada Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela, iyagoo qaab tikid badalasha ah kusii mara dalka Turkiga.

Warbaahinta caalamka ayaa indhawaalaba wax ka qoreesay muhaajiriinta ku qul qulaya dalka Turkiga si halkaas uga sii gudbaan wadamada reer galbeedka.

Sharcigan cusub waxa uu saamaynayaa dhoofayaasha transit-ka ku sii mara garoonka diyaaradaha Istanbul ee ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.

Muwaadiniinta dalalka Soomaaliya, Yemen, Chad, Cameroon, Mauritania, Burkina Faso, Guinea, Afghanistan, India iyo Nepal ee transit-ka ku sii maraya garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ayaa waxaa waajib looga dhigay inay haystaan fiisaha elektoroonikada ee transit-ka garoonka .

Ilo-wareedyo diblomaasiyadeed ayaa waxay iyagana xaqiijiyeen inay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Türkiye soo dhamaystirtay dhammaan diyaarinta lama huraanka u ah soo-saarista codsiga elektoroonikada ee fiisaha transit-ka ee garoonka (E-HTV), si loogu dabaqo sharciga fiisaha transit-ka ee garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ka dhaqan geli doona bishan April 15-keeda.

Sharcigaan cusub ayaa waxa uu saameen kuyeelan doonaa dadka muhaajiriinta ah oo ee Soomaalida kujirto .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles