Ugaaska Beelaha Xawaadle oo goordhaw lagu Caana shubay deegaanka Daara Ugaas (Sawiro)

Waxaa goordhaw si rasmi ah loogu Caano shubaya deegaanka Daara Ugaas ee duuleedka degmada Halgan ee gobolka Hiiraan Ugaaska beelweynta Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Wafuud aad u tiro badan oo ka kala yimid daafaha Caalamka ayaa ka qeyb galaysa munaasabada lagu Caana shubayo Ugaaska beelaha Xawaadle oo haatan ka bilaabatay deegaanka Daara Ugaas oo ah goob u gaar ah Caana shubka Ugaasyada Xawaadle.

Deegaanka Daaro-Ugaas oo hoos taga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacday xafladda Caano-shubka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxaana halkaas isugu tegay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ka mid yihiin inta badan xildhibaanada laga soo doorto gobolka Hiiraan, Taliyaha NISA iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabeelle.
Sidoo kale xafladda Caano-shubka Ugaaska Yuusuf waxaa ka qeyb-gelay duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya, deegaanka ay maanta xafladaasi ka dhacday wuxuu ka mid yahay dhulkii baaxada lahaa ee dhowaan laga xoreeyey Khawaarijta.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles