United Oo Ku Guuleystay FA Cup-ka Islamarkaana Soo Gaba Gabeysay Record-kii Dheeraa Ee Rodri ( Qormo Xiiso Leh)

Manchester United Ayaa Caawa Dhulka Kujiiday Deriskooda Man City Oo Kujirtay Isbuuc Dabaal Dag Ah Kadib Markii Isbuuci Hore Ku Guuleysteen EPL Markoodi 4-aad Isku Xigta Balse Caawa Laga Qasay In Ay Noqdaan Kooxdii Ugu Horreeyey Ee Laba Jeer Isku Xigta Isku Qaaday Horyaal Iyo FA Cup .

Manchester United Caawada Kubadd Xisaabtan Kudhisan Ayey Kusoo Talagashay Waliba Taatiko Leh Halka City Ay Umuuqdeen Kuwo Maahsan Oo Aay Latagtay Farxadda Isbuuci Hore Waxaana Akoonno Kafurteen Garnacho Iyo Kobbie Mainoo Oo Noqdeen Laacibiintii Ugu Da’da Yareyd Ee Gool Kadhaliyaan Final-ka FA Cup-ka Tan Iyo 2004 Oo Uu Sidaas Sameeyey Cristiano Ronaldo.

City Qeybta Hore Hurdo Dheer Ayey Isaga Jirgay 2 Jeer Ayaana Laga Adeegtay Kadib Dadaal Badan Ayey Sameeyeen Waqtiga Ayaana Kudheeraaday Balse Aakhirka Ciyaarta Ayaa Xoogaha Raja Ah Waxaa Galiyey Jeremy Doku Oo Gool Usoo Celiyey Balse Waa Ku Filnaa Weysay Sidaasna United Ayaa Ku Hanatay Koobka FA Cup-ka.

Ten Hag Iyo Xertiisa Waxa Ay Usocdeen Aarsi Ku Aadan Fasalkii Hore Sidaan Cml Final-ka Waxaa Kaga Adeegtay Mashiinkii Qadka Dhexe Ee City Sanadki Hore Ujoogay Balse Hadda Barcelona Joogo Ee Gundugan Kaasoo Laba Jeer Shabaqa United Gaaray Sidaasna City Koobka Ugu Gacan Geliyey Balse United Marka Isla Natiijadi 2-1 Aheyd Ayey Dhinaca Kale Urogeen Markaan Weyna Uqalmeen Sida Aay U Ciyaareen Hadii Laqiimeeyo .

Midda Ugu Xiisaha Badan Ayaa Ah In United Soo Gaba Gabeysay Record-ka Guuldarro La’aanta Ahaay Ee Rodri  Kaas Oo Aan Laga Badinin 74 Kulan Iyo  474 Maalmood Caawa Ayaa Waxaas Dhan Lasoo Afjaray Ugu Danbeyn Waa Aragnay  Rodri Oo Kulan Caadi Ah Oo Aan Rigoore Aheynin Guuldarro La Qaadanaya Man City Sidaasna Waxaa Sameysay Man United Ammaan Ayeyna Ku Mudan Yihiin 🔥🔥🔥

Hambalyo Jamaahiirta Red Devils Koobka 100% Waa U Qalanteen Waddo Qarda Jeexna Waa Soo Marteen Ugu Danbeynna Muhiimada Waa Gaarteen 🔥🔥🔥🙌🙌🙌

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles