Waa kuma Sheekh Cismaan Xidig?

Bani’aadamku waa marqaatiga Alle ee Ifka jooga. Qofka Ahlukheyrka ah uunka oo dhan ayaa wada jeclaada. Sheekh Cismaan saaka waxaa laga sagootiyay caalamkii uu sannadaha badan samaha iyo kheyrka ka waday.
Safaf dhaadheer oo dad heer walba bulshada ka jooga ah ayaa xaadiray salaaddii Janaasadda oo saacado badan socotay si loo kala gaaro axbaabtii Sheekha oo u soo qulqulayay haleelidda fursadda qiimaha badan ee sagootinta mid ka mida dadkii ugu fadliga badnaa ee casrigan noolaa. Sidii ifka looga jeclaa in Aakhiro looga jeclaan doono ayaan u rajaynayaa.
Sannadkii 1940-kii ayuu ku dhashay meel la yiraa Dahar Aw-Dhiblaawe oo ah baaddiyaha magaalada Ceeldheer ee Bariga gobalka Galgaduud. Waxa uu ku abtirsadaa Sheekh Daa’uud Culusow oo ahaa caalim weyn, halgamaa iyo hoggaamiye caan ka ahaa goballada dhexe oo diin-fidinta iyo difaaca dadkaba hormuud u ahaa.
Sheekh Cismaan-xiddig, isaga oo 5 jir ah ayaa loo billaabay duruusta Qur’aanka. Macallinkiisa waxaa la dhihi jiray Macallin Baay. Magaca Baay waa usha ardayda lagu karbaasho. Macallin gacan kulul oo Qur’aanka si fiican looga barto ayuu ahaa.
Mar taariikhda Sheekha laga sheekeynayay, waxaa asaga laga soo xigtay in waagaas uu qur’aanka baranayay uu gaaray heer uu labada dhinacba u seexan waayo xannuunka jeedalinta macallinka dartiis. Waxaysa ahayd billowga ad-adayg, adkeysi iyo u-go’idda barashada diinta oo ka caawisay inuu isagoo aad u da’ yar fahmad fiican yeesho culuum badan oo diineedna barto.
Markii uu 10 jir noqday ayaa loo soo wareejiyay magaalada Ceeldheer. Waxa uu ku biiray xerta adeerkiis Sheekh Cabdullaahi Sheekh Daa’uud, halkaas oo looga billaabay barashada culuumta diinta, gaar ahaan axkaamta iyo naxwaha.
Intaas ku ma uusan ekaanin, ee barashada diinta waxa uu ugu xereystay culumo kale oo waaweyn, sida Sheekh Aba Cali Sheekh Cali Maye oo uu dhowr sano magaalada Marko la joogay, asagoo u ahaa arday iyo muriid daacad ah oo si fiican uga soo diin-qaatay.
Sheekha waxa uu yaraantiisii billaabay in uu ka saahido dhalaalka iyo dheregta adduunka. Wuxuu yeeshay dabeecado raad ku reebay noloshiisa iyo caafimaadkiisaba. Waxa uu ahaa mid gaajada iyo hurdo-la’aanta la saaxiib ah.
Waxaa la sheegay illaa markuu Ceeldheer ardayga ku ahaa inuu maalintiina soomi jiray, habeenkiina Salaatu-Leyl iyo cibaado ku soo jeedi jiray. Waxaa dhici jirtay in maalmo badan marka uu masaajid ku jiro ay waalidkiis soo raadin jireen oo ku canaanan jireeen inuu guriga yimaado oo raashin fiican ka soo cuno.
Habnololeedkaas Alle-u-go’idda ah ee nasashada iyo nolosha raaxada leh ka fog waxa ay Sheekha ka dhigtay mid astaan u noqda dhowrsanaanta iyo in aysan adduunyadu ahayn meel u qalanta in lagu kadsoomo oo darteed loo Aakhiro-seego. Waxa uu Sheekhu ahaa barbaariye si weyn isaga xilsaaray hagaajinta ummadda. Waxa uu noloshiisa u huray soo-saarista kummanaan xertiisa ah, kuwaas oo uu daryeelkooda iyo diin-baristooda ka dhigtay mudnaanta koowaad ee noloshiisa.
Dhanka kale, nolosha adag ee istareexa ka fog oo uu Sheekhu naftiisa ku soo carbiyay waxa uu ka dhaxlay xanuunno intii dambe ee cimrigiisa ahaa la soo socday. Waxa uu noqday mid muuqaal ahaan da’diisa si aad ah uga weyn. Hadda oo uu 84 jir ku geeriyooday, dad badan ayay la ahayd in uu boqol xiray.
Wax-soo-saarkiisa aqooneed oo aan tiro lagu koobi karin waxay isugu jiraan jiilal badan oo caalimiin ah, goobo cilmiga lagu barto oo meela badan ku yaalla, iyo kutubta uu qoray oo maraajic u ah dadka funuunta kala duwan ee cilmiga diinta ku foogan oo Soomaali iyo ajaanibba leh. Kutubtaas waxaa ka mida kuwa sawirka hoose ka muuqda.
Ilaahay ha u naxariistee, Sheekha waxa uu ifka uga tegay qoysas badan oo ballaaran, kuwaas oo isugu jiray carruurtiisa iyo wixii ay sii dhaleen.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles