Waa magaaladeydii Xarardheere iyo Madaxweyne Xasan Sheekh. (W/Q Abwaan Galeyr)

Hubaashii waxa uu soo celiyey ee Eebbe ku guuleeyey in Xarardheere oo xor ah ay Madaxweynaha soo dhaweyso.

Magaalada Xarardheere waxa ay xarun u ahayd boqortooyadii Ajuuraan
„Ajuran Sultanate“ iyo Saldanadii Hiraab „Hiraab Imamate“ oo qarniyadii 13aad hoggaaminaysay deegaankaas teer iyo intii xoriyada Soomaaliya ka qaadatay gumeystihii saancadaallaha ahaa ee geyigeena ku habsadey qarnigii 18aad.

Waxaa magaalada ku dhashay

Dad geyiga Soomaaliyeed caan ka ahaa oo la wada yaqaanay .
Magaalada Xarardheere waxaa ku dhashay oo sooyaalkeeda ka mid ah.

Raggii Soomaali ugu caan sanaa

1. Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma arke
2.Janaraal Daa‘uud Cabdulle Xirsi
3. Salaad Gabeyre Kadiye
4. Nabaddoon Xaaji Maxamed Afrax Garuun
5. Siyaasi Xaaji Baraako

  • 1960kii markii degmanimadeeds la aqoonsadey waxaa guddoomiye ka noqday Maxamed Siciid Gentalman.

Xarardheere waa magaalo fac weyn oo ku taal xeebta badweynta hindiya waxa ay u dhaxaysa labada Marso ee Mareeg iyo Hobyo.

Teer iyo 2009kii waxa ay ka mid ahayd magaalooyinkii galay gacanta argagixisada ee haatan Dowladda iyo dadka deegaanka oo is kaashanayaa ka dulqaadeen.

Waa maalin Taariikhi ah in Dadweynaha Xarardheere la kulmaan Madaxweynahooda taasoo dhiirigelinaysa bulshada deegaanka wanaajinaysana xidhiidhka dowladda iyo reer Xarardheere.

W/Q. Abwaan cabdiraxiim Hilowle Galeyr.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles