Waa maxay xanuunkan dhalmo la’aanta sababi kara ee aysan haweynku ku baraarugsaneyn?

Qiyaastii 10% haweenka ayay xaaladdan heysataa, oo uu ka dhalan karo xanuun aad u daran. Balse weli aad looma baarin, si fiicanna looma fahamsana – welina dawo looma hayo.

Gabar ayaa waxay tiri, “Dhiigga caadada oo xanuun badan wata ayaa igu billowday markii aan 14 jir ahaa. Waxaan iskuulka u qaadan jiray waxyaabo lagu kululeeyo qeybta hoose ee caloosha aniga oo rajo ka qabay inay maalintii oo dhan i caawin doonaan. Mararka qaar way i caawin jireen. Balse mararka qaar waxaan iska joogi jiray sariir taallay xafiiska iskuulka, iyadoo dadka joogay xafiiska aysan ogeyn qaab ay ii caawiyaan.”

Waa maxay xaaladda endometriosis?

Xaalad

XIGASHADA SAWIRKA,BBC/ALAMY

Endometriosis waa xaalad haweenka lasoo gudboonaata oo la xiriirta dhiigga caadada halkaasoo nudeyaal la mid ah kuwa derbiga makaanka laga helo qeybo kale oo jirka ka mid ah, ayna ku jiraan dhuumaha makaanka, kaadi-heysta, xubinta taranka iyo mindhicirrada. Marar dhif ah waxaa dhacda in laga helo sambabbada, indhaha, laf-dhabarta iyo maskaxda. Calaamadaha waxaa ka mid ah xanuun aad u daran oo gumaarka laga dareemo, daal iyo dhiigga caadada oo xoog badan.

Endometriosis waxay asiibtaa 10-kii haweenba mid ka mid ah oo ku jirta da’da dhalmada – amaba 176 milyan oo haween dunida ku nool – mana laha daawo.

Inkastoo ay jiraan xaalado badan oo aan aad looga war-qabin, maalgelin badan lagu sameyn oo aadna loo baarin, kuwo yar ayaa caan u ah sida endometriosis, oo asiibta ilaa 176m ah guud ahaan adduunka. Mareykanka, iyo dalal kaleba, waxaa lagu qiyaasaa in 10-kii haween ee da’dadhalmada ku jirta mid ay xaaladdan qabto, waxaana sanadkiiba lagu bixiyaa ilaa $16m (£4.7m) maalgelin baaritaan ah. Cudurka Crohn, oo asiiba 100-kii qofka hal gudaha Mareykanka, waxaa lagu bixiyaa $90m.

Xanuunka maaha waxa keliya ee laga dhaxlo endometriosis. Daraasad laga sameeyay sanadkii 2012 10 dal ayaa lagu ogaaday in endometriosis ay sanad walba bukaanka uga baxdo €9,579 (£8,600) oo daryeel caafimaad ah, waana in ka badan €26 (£23.45) maalintii. Baaritaan la sameeyay sanadkii 2022 ayaa lagu ogaaday in kharashkan uu kordhay gudaha Mareykanka uuna gaaray $16,000 (£12,548).

Xaaladdan sidoo kale waxaa laga qaadaa dhalmo la’aan – 20-50% oo haweenka dhalmo la’aanta ay heysato ayaa qaba endometriosis iyadoo 30-50% haweenka qaba endometriosis ayaa dhalmo la’aan noqda. Natiijada taas ka dhalata ayaa ah, in haween badan oo qaba endometriosis oo carruur inay dhalaan doonayay ay kumannaan doollar ku bixiyaan iska daweynta dhalmo la’aanta.

Waxaa kaloo jirta in xanuunka qudhiisa uu bukaannada u nugleyn karo xaalado kale.

“Waxaan heynaa caddeyn buuxda oo ah in dareenka xanuunka saa’idka ah uu saameynayo hannaanka dhexe ee neerfaha, uu saameynayo sida aad uga falceliso xanuunka mustaqbalka uuna kuu nugleyn karo xaalado kale oo ragaad ah oo xanuun leh,” ayay tiri Katy Vincent, oo ka tirsan Jaamacadda Oxford ee UK.

Bukaannada xanuunka dareema, ayaa caalamadda koowaad waxay tahay xanuun daran oo gumaarka ah oo aysan sababin wax kale.

BBC

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles