Wadamo badan oo carbeed oo go’aan lama filaan ah kaqaatay qilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Waddamada ku midoobay Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Azerbaijan ayaa waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiiskii ay wada saxeexdeen Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Gabagabada shir ay yeesheen waddamadan, ayaa lagu sheegay, in heshiiskaas uu yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka.

Waddamadan waxay muujiyeen diidmadooda ku aaddan heshiiskaas iyo tallaabo kasta oo sharci, siyaasad, ganacsi iyo mid ciidan ah oo ka dhasha heshiiskaas, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan heshiiskaas.

Waxay ku tilmaameen heshiiska Ethiopia ay ku doonayso inay ka qaadato qeyb kamid ah badda Soomaaliya inuu halis gelineysa amniga wadamada Carabta iyo isu-socodka Gobolka.

Shirka lagu cambaareeyay heshiiska Ethiopia iyo Somaliland waxaa ka qeyb galay, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Carabta, Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Jamhuuriyadda Kyrgyz, Kazakhstan iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul Gheit.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles