Wakiilka Davies Muxuu Kadhahay Go’aanka Bayern Ee Ku Saabsan Qandaraas Kordhinta Xiddigaan

Danbeedka Bidix Ee Kooxda Bayern Munich Iyo Xulka Canada 🇨🇦 Alphonso Davies Ayaa Ka Biya Diiday Inuu Qandaraas Cusub U Saxiixo Kooxdiisa Bayern Munich.

Bayern Ayaa Hordhigtay Davies Qandaraas Cusub Oo Ay Jawaab Kasugeysay Balse Wakiilkiisa Ayaa Dhahaya Ma Dhaceyso Arrintaan .

Wakiilka Davies Asigoo Lahadlaya The Bild Wuxuu Si Adag U Yiri ” Waa Cadaalad Darro In  Bayern Aan Ka Helno Go’aan Kama Danbeys Ah  Waxaan Go’aansan Doonnaa Sidaan Wax Ka Yeeleyno Dhamaadka Xilli Ciyaareedkaan Marki Uu Cadaado Qorshaha Iyo Xaalada Kooxda”.

“Waa Cadaalad Darro In La Cadaadiyo  Alphonso, Waxaan Ku Dhaweyn Inaan Heshiis Wada Gaarno Sanad Kahor Kadib Dhammaan Maamulka Kooxda Ayaa Lawada Badalay, Wax Warbixin Ahna Kama Helin 7 Bilood  Sidaa Daraadeed Waxaan Isku Dayey Shaqsi Ahaan Mudadaas Inaan Kooxda Laxiriiro Waxbana Ma Dhicin” .

” Hadda Waxaa Nala Siiyey Go’aan Kama Danbeysa Ah Waana Inaan Kafalcelino Laba Todobaad Gudahood Maxaa Yeelay Kooxda Cadaadis Badan Ayaa Saaran Waqti Dheer Ayeyna Qaadanee In Maamulka Dib Loo Dajiyo Oo La Habeeyo Taasina Waa Cadaalad Darro Fikradeyda”.

Ugu Danbeyn Wuxuu Kusoo Qatimay Sidaan ” Waa Qandaraas Aad Muhiim U  Ah Mustaqbalka Alphonso Waxaana Inoola Soo Jeediyey Inaan Go’aan Gaarno Annagoo Aanan Ogeynin Shaqsiga Noqon Doono Macalinka Kooxda Xilli Ciyaareedka Xiga Iyo Koox Nuucee Ah Ayey U Muuqan Doontaa, Waxaan Ku Fikireynaa In Ay Cadaalad Darro Tahay Inaan Kafalcelin Kama Danbeystaas”.

Isqab Qabsigaan U Dhaxeeya Alphonso Davies Iyo Bayern Waxey Dani Ugu Jirtaa Los Blancos Oo Isha Ku Heyso Xaalada Xiddigaan Halka Ay Ku Danbeyn Doonto Ayadoo Diyaar U Ah In Ay Wada Hadal La Furto Munich Hadii Davies Si Buuxda Ugu Gacan Seero Inuu U Saxiixo Kooxda .

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles