Wallaac cusub oo soo wajahan Soomaalida Sweden

Booliiska dalka Sweden ayaa la siiyey awood ay ku joojiyaan kuna baaraan da’yarta ama dhalinta xirta funaanadaha koofiyada leh ee ay uga shakiyaan in ay maagan yihiin falal anshaxa bulshada ka dhan ah.

Ra’iial Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada qalabka sida ay “ugaarsan doonaan oo ay jabin doonaan” kooxaha dambiilayaasha ah ee rabshadaha wada.

Dadka u dooda xuquuqda bulshada laga tirada badan yahay Sweden ayaa ku doodaya in awoodan booliiska la siiyey ay ku bartilmaansan doonaan dhallinyarada madow, qaab cunsuriyadi ay ku jirto.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles