War kasoo baxay maxkamada Gobolka Banaadir oo la xiriiro kiiski maxuumad Luul

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markale shaacisay waqtiga markii sadaxaad la horkeenayo Maxkamadda ninka ku eedeysan inuu dhawaan Muqdisho ku gubay xaaskiisii oo uur laheyd.

War qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in Arbacada soo socota oo ay taariiqdu ku beegan tahay 6-da bishaan Febraaayo 2024 in mar kale loo fariisinayo dhageysiga dawacada loo heysto Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay Luul Cabdicasiis oo xaaskiisii aheyd.

Dhageysiga dacwada loo haysto eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay si weyn isha ugu wada hayaan go’aanka Maxkamadda gobolka ay ka gaari doonto maalinta Arbacada ah kiiskaan.

Kiiskaan oo ah mid sigaar ah indhaha loogu hayo ayaa waxa sidoo kale xusid mudan in wili Meydka marxuumad Luul aan la aasin.
………………………………………………

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles