Warar dheeri ah oo laga helayo dadki kudhaaawacmay Weerarki Hotel SYL.

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Weerarkii qaraxa ku bilowday ee Al-Shabaab ku qaaday hotelka SYL ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibaddiisa gaar ahaan waddanka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka sagootiyay ku dhawaad 20 qof oo isugu jiray mas’uuliyiin, saraakiil iyo dad shacab ah oo qaraxa ku dhaawacmay.

Dhaawacyada ayaa xaaladooda caafimaad lagu dabiidi doonaa isbitaalo ku yaalla magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, waxaan  dadkaasi diyaarad gaar ah looga qaaday Garoonka Aadan Cadde, taasi oo saacadaha soo socda ka tageysa dalkaasi.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Cali Xaaji Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 18 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba oo ay kamid yihiin Xildhibaano, mas’uuliyiin, saraakiil ciidan iyo dad kale ayaa kamid ah dadka la qaaday.

Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay ku qaaday hotelka SYL oo ku yaalla meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana weerarka ku dhaawacmay 27 qof, halka saddex Askarina ay ku dhinteen.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles