Muddo 12 Sano Ah Ayaa Laga Joogaa Markii Uu Leo Messi Kadhaliyey, iyo warar kale oo isboorti

Muddo 12 Sano Ah Ayaa Laga Joogaa Markii Uu Leo Messi Kadhaliyey Kooxda Bayern Leverkusen 5 Gool Hal Kulan Taariikhda Markii Ugu Horreysay Ee Champions League Waxaana Gadaashiisa Soo Raaca Luis Adriano Iyo Erling Haaland Oo Ayagane Sidaas Sameeyeen Kadib Messi .

Jolen Lescot Iyo Ruben Dias Ayaa U Jawaabeen Trent Alexander-Arnold Kaasoo Sheegay In koobabka Ay Ku Guuleysteen Ay Ka Micno Badan Yihiin Dhanka Kuwa Man City Ay Ku Guuleysteen Ayadoo Waliba Ay Qaadeen Koobab Katira Badan Kadib Wareysi Uu Siiyey FourFourTwo.

Lescot Waxa Uu Dhahay ” Waa Inaad Fahantaa Macnaha Guud Waxaan Su’aal Ka Keeni Lahaay Taageerayaasha Uma Maleynaayo Inaad Dhihi Karto Waxa Uu Uga Dhiganyahay Kulankasto Ama Koobkasto Taageerayaashaada Waxkabadan Kuwa Kale Sababtoo Ah Qofkasta Wixiisa Ayaa U Muhiim Ah” .

Dhanka Kale Roben Dias Ayaa Dhankiisa Asigane U Jawaabay Hadalki Kasoo Yeeray Arnold Kaasoo Sii Huriyey Kulanka Isbuucaan Ay Liverpool Anfield Ku Marti Qaadi Doonta Manchester City Waxa Uuna Yiri Sida Tan .

“Saddaxley Koobab Ah In Lagu Guuleysto Waa Dareen Gaar Ah Oo Kaliya Aad Dareemi Karto Marka Aad Sameyso”

“Hubaal Waaye Waaye Waynu Ognahay Waxa Ay Noola Micno Tahay Annaga Iyo Taageerayaasheenaba “.

Dias Waxa Uu Muujinaa In Aysan Sahlaneyn In Treble Koox Ku Guuleysto Walina Ay Masraxa Sii Taagantahay Kooxwalbana Ay Macno Gaar Ah U Leedahay Koobabka Ay Qaadaan Hadii Cid Faaneyso Ayjirtana Ay Ayaga Iyo Kuwa Lamid Ah Ee Sidaas Sameeyey Kaliya Ay Yihiin .

Dhinaca Kale Wakiilka Alphonso Davies Ayaa Sheegay Inuusan Jirin Wax Heshiis Ah Oo Ciyaaryahaanka Uu La Gaaray Real Ama Bayern Midkood .

“Majiro Wax Leysku Raacsanyahay Oo Dhacay Heshiis Uu La Gaaray Koox Waxaana Tixgalin Doonnaa Dhammaan Dooqyada Mustaqbalka Bilaha Soo Socda” Sidaas Waxaa Yiri Nedal Huoseh.

Dhamaadka Xilli ciyaareedkan Filo Layaab Ku Aadan Arrintaan Iyo Sida Ay Noqoto Waynu Kawardhowreynaa .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles