Xiddiga Sanadkaan Indhaha Caalamka Wada Haayaan Ee Bandhiga Waalida Ah Kujira Ee Phil Foden iyo Warar kale oo Isboorti

Xiddiga Sanadkaan Indhaha Caalamka Wada Haayaan Ee Bandhiga Waalida Ah Kujira Ee Phil Foden Oo Kahadlay Sanadkaan Wacdaraha Uu Dhigayo Iyo Waxa Uu Doonayo Inuu Sameeyo Mar Uu Arrintaas Kahadlaayey Kadib Guushii Ay Ka Gaareen United Wuxuu Dhahay .

” Ujeedkeyga Waa Inaan Isku Muujiyo Kulamada Waaweyn Sida Kulankaan Oo Kale Oo Aan Saameynta Kulanka Qaato Waana Waxa Aan Rabo Inaan Sameeyo Waan Aaminsanahay Inaan Sanadkaan Arrintaas Cadeynayo Oo Bandhig Fiican Muujinayo ”

Waxa Uu Ku Gaba Gabeeyey ” Waxaan Sii Wadi Doonaa Inaan Si Adag U Shaqeeyo Waana Dareensanahay Waxa Ay Taaheerayaasha Uga Dhigantahay Kulanka Nuucaan Ah Oo Derby Manchester Ah “.

Guud Ahaan Sanadkaan Xilli Ciyaareedkaan Wuxuu Ciyaaray 40 Kulan 28 Gool Ayuu Ku Lug Yeeshay 18 Gool Iyo 10 Caawin Isku Dar Kaliya Hal Jaale Ayuu Qaatay Waa Bandhig Aan Indhaha Laga Qabsan Karin Wuxuuna Haminayaa Inuu Ku Guuleysto Cayaaryahaanka Sanadka Ee EPL Makulatahay Inuu Sameyn Karo Inta Kadhiman Xilli Ciyaareedka Oo Uu Joogteyn Karo Bandhigiisa ?.

Dhanka Kale Macalinka Barcelona Ee Xavi Hernandez Ayaa Walaac Kamuujiyey Dhaawacyada Soo Gaaray Qaar Kamid Ah Ciyaartoydiisa Kuwaasoo Ku Dhaawacymay Kulankii Xalay Barce Barbaro 0-0 Ah La Gashay Atletico Club Oo Ay Marti U Aheyd Waxaana Ka Dhawaacmay Pedro Iyo De Jong Oo Ah Labadaba Shaqsiyaad Muhiim U Wada Ah Kooxda .

” Dhaawacyada Pedro Iyo De Jong Uma Muuqdaan Kuwo Muujinaya Ififaalo Fiican Nasiib Darro Waxa Ay U Muuqdaan Kuwo Haliis Ah ” Sidaas Waxaa Yiri Macalin Xavi “.

Dhinaca Kale Taageerayaasha Chelsea Ayaa Ku Kacsan Macalin Mauricio Pochettino Iyo Miilkiilaha Kooxda Tod Boehly Kadib Barbarihii Ay Kooxda Lagashay Brentford .

Taageerayaasha Ayaa Ku Qeylinayey Ammaanta Abramovich Iyo Jose Mourinho Kuwaasoo Kooxdaan Guulo Wax Ku Ool Ah Gaarsiiyeen Balse Taas Badalkeeda Ay Ku Orinayeen Labada Masuul Ee Hadda Kooxda Maamulaan Ee Miilkiilaha Iyo Macalinka Kooxda Waxaana Ayna Ku Aflagaadeeyeen Erayo Xun Xun.

Miilkiile Boehly Kulankaas Ma Uusan Joogin K Ee Hadallada Xun Xun Taageerayaasha Ku Dhahayeen Isagoo Joogay Bahrain Halkaasoo Uu Ku Daawanaayey Formula 1 Asiga Iyo Sxbkiis Behdad Eghbali.

Taageerayaasha Chelsea Ma Mudanyihiin In Ay Sidaas U Galaan Masuuliyiintooda Mise Waxa Ay Aheyd In Ay Waqti Siiyaan Si Kooxda Usoo Kabato Ayadoo Xaalad Aad U Cakiran Kujirto Aflagaada Nuucaas Ahna Ay Hoos Usii Dhimi Karto Geedi Socodka Dib Usoo Kabashada Kooxda Facaweyn Ee Chelsea Bal Fikirkaaga .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles