Wararki ugu dambeeyay Ciidamo Alshabaab ah oo lagu laayay goob ee kushirayeen

In ka badan 20 katirsan kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay, tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Calmadow ee deegaannada Puntland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalkan sidoo kale lagu qaarijiyay 3 kamid ah horjoogayaasha Shabaab. kuwaas  oo ku dhuumaalaysanayay buuraha Calmadow.

Sida ay dowladdu sheegtay, Hawlgalkan ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay Shabaabku isku aruursanayeen taas oo ku taalla buuraha Calmadow, waxayna dowladda sheegtay in halkaasi lagu jabiyay dhagar ay maleegayeen Shabaabku.

Dowlad goboleedka Puntland oo ka taliyaa degaanada laga fuliyay duqeymahan weli kama uusan hadlin howlgalkan.

Dowladda federaalka ma sheegin in Puntland ay kaalin ku lahayd howgalka laga fuliyay degaanada gobolka Sanaag ee Calmadow.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles