Wararki ugu dambeeyay dagaal Beeleed kadhacay gobolka Shabeelada dhexe.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidamada Daraawiish u diray gobolka Sh/Dhexe si ay u kala dhex-gala beelo ku dagaalamay tuullooyin hoostaga deegaanka Biyo-Cadde oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Boliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay ciidankaasi Daraawiishta ah ayaa kula dardaarmay in la sugo nabadgelyada deegaankaasi,isla markaana ay u howlgalaan ilaalinta badqabka muwaadinka.
`
Taliyaha waxa uu carabka ku adkeeyay in la qabto cid kasta oo u hoggaansami weyda amarkooda,lana qabto dadka nabad-diidka ah ee ku dhexjira bulshada.

Ciidamadaan ayaa ku biiri doona kuwo kale oo ka howlgala deegaankaasi,kuwaas oo si wadajir ah u wajihi doona xakameynta colaad u dhaxeysa laba beel iyo sidii loo soo celin lahaa amniga halkaasi.

Labo beel oo deris ah ayaa maleeshiyaad ka tirsan waxa uu dagaal ku dhex maray deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe waxaana dagaalkaas uu sababay geerida in ku dhow labaatan ruux halka boqolaal kalana ay ku dhaawacmeen.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles