Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarkii saakay kooxdu ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud in looga dilay 16 ka mid ahaa xubnii weerarka soo qaaday ee Al-shabaab.
“Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbaahinta Ciidamadda u sheegay in khawaarijta laga dilay in kabadan 16 dhagarqabe islamarkaasna uu socdo tirakoobka qasaaraha khawaarijta ay gaarsiiyeen” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.
Dhinaca kale kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkaas ay cagta ku mariyeen fariisimaha ciidanka dowladda, islamarkaana ay ku dileen askar badan, walow aysan sheegin inta ay gaareyso tirada askarta ay weerarka ku dileen.
Gobolka Galgaduud waxaa inta badan ka dhaca weerarada qaraxyada ku bilaawda oo ay kooxdu ku qaado fariisimaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanadii horay looga xureeyay gacanta kooxda Al-shabaab.