Wararki ugu dambeeyay dilkii Hogaamiyihii Xamaas

Hoggaamiyahii dhaqdhaqaaqa Ururka Xamaas ee dhanka siyaasada Ismaaciil Haniyah ayaa aroornimadii hore ee saakay lagu dilay magaalada Tehraan ee dalka Iiraan oo uu kaga qeyb galaayay xaflada Caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalkaas.

Geerida Ismaaciil Haniyah waxaa lagu baahiyay Wakaaladda Wararka dalka Iiraan, waxaana  daqiiqo kadib baahintaas si weyn uga falceliyay Malaayiin ruux oo siyaabo iska soo horjeeda uga hadlay dilka Hoggaamiye Ismaaciil Haniyah.

Waxaa sidoo kale geerida hoggaamiyahan lagu xaqiijiay war kasoo baxay dhaqdhaqaaqa Ururka Xamaas oo lagu sheegay in geerida hoggaamiyahii dhanka siyaasada ee Ururkaas ay ka dambeeyaan cadawga Falastiin ee Sahyuuniyadda oo ku beegsatay gurigii uu ka degana Tehraan.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay masuliyada dilka Ismaaciil Haniyah, waxaasa jirtay in Israa’iil ay horay ugu hanjabtay iney dili doonto Ismaacil Haniyah oo dhawaan xubno ka mid ah qoyskiisa ay ku dhinteen weerarada Israa’iil ay ka fulisay Magaalada Gaza.

Hoggaamiyahaan ayaa magaalada Gaza dalka Falastiin isaga tagay sanadkii 2019-kii, isagoo waqtigaas wixii ka dambeeyay magangalyo siyaasadeed ku daga dalka Qatar.

Ugu dambeynti hoggaamiyahaan la dilay ayaa ku dhashay Xerada Al-Shati 29-kii Janaayo sanadkii 1962-dii, wuxuuna mar soo noqday Raysal Wasaare intii u dhaxeysay 29-Maasro 2006 ilaa 2- June 2014, waxaana geeriidiisa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha dalka Falastiin Maxamuud Cabaas oo ku tilmaamay dilka Haniyah fal fulaynimo oo halis ah.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles