Wararki ugu dambeeyay kulanka baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya ee maanta

Waxa maanta lagu wadaa in xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho oo kadhaco kalfadhigi labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo lagu go’aamin doono wax kabadalka dastuurka .

Kulankaan wadajirka ah oo ah mid xasaasi ayaa la filaya in labada Aqal cod ugu qaadaan qodobo ka mid ah Dastuurka Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo ay diidan yihiin ansixintiisa madaxweynayaashii hore iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.

Wax ka badalka Dastuurka ayaa waxaa sido kale si weyn uga soo horjeeda maamulka Puntland oo sheegay inuusan marna aqoosan doonin natiijo kasta oo kasoo baxda wax ka badalka Dastuurka.

Madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an ansixinta qorshaha ay wax kaga badalayaan Dastuurka ku meel gaarka ah, hayeeshee Madaxweynayaashii hore Shariif iyo Farmaajo ayaa qoraal ay si wadajir ah usoo saareen ku sheegay in kulanka maanta ay kasoo bixi doonto natiijo lasii wada og yahay.

Arrinta wax ka badalka Dastuurka ku meel gaarka ah ayaa mudooyinkii dambe aheyd mid xiisadeedu ay meel sare mareysay, taasoo ugu dambeyn maanta doodeedu dhinac u dhici doonto, sida wararka soo baxaya ay sheegayaan.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa haatan kusii qulqulaya xarunta Villa Hargeysa oo lagu wado inuu goordhaw ka furmo kulanka xasaasiga ah ee isha lagu wada haayo.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles