Warbixin Ku Aadan Ganaaxa City Iyo Chelsea

Man City Iyo Chelsea Oo Haliis Ugu Jiraan In EPL Laga Saaro .

Labada Koox Ee Kadhisan Carriga England Ee Chelsea Iyo Man City Ayaa Laga Yaabaa In Laga Saaro Horyaalka EPL Sababo La Xiriira Barnaamijka Dhaqaala Wanaaga Ee (Financial Fair Play) Sida Ay Wararka Qaar Sheegayaan .

Kooxda Yar Ee Nottingham Forest Ayaa Ah Kooxda Ugu Danbeysay Ee Uu Qabtay Barnaamijkaan Financial Fair Play Ayadoo Lagu Ciqaabay In 4 Dhibcood Laga Jaro Sidaasna Ay U Dhaceen Kaalmaga Loogu Laabti Heerka Labaad Taas Oo Ah 18-aad .

Hogaanka Horyaalka Ayaa Sheegay In Forest Ay Jebisay Xeerarka Faa’iidada Iyo Joogteynta Islamarkaana Ay Dhaaftay Heerka PSR Ilaa 34.5 Milyan Oo Ginni Mudadaas Hadane Ay Leedahay 21 Dhibcood Kadib Marki Afar Dhibcood Laga Jaray Waxaana Macquul Ah In Ay Racfaan Qaataan

Arrintaan Ayaa Timid Kadib Markii Everton Hore Loogu Ganaaxay In Dhibco Laga Jaro Ayagoo Marki Hore Ku Taagnaayeen 10 Dhibcood Kahor Inta Aanan Laga Dhigin 6 Dhibcood Oo Markaas Loo Qafiifiyey .

Waqti Xaadirkaan Digniinta Waxa Ay Ku Socotaa Labadaan Koox Ee Waaweyn Oo Looga Digayo In Ay U Dhacaan.Heerarka Hoose Hadii Lagu Helo In Ay Jabiyeen Sharciga Dhaqaala Wanaaga .

Man City Waxaa Laga Soo Gudbiyey Dacwo Gaareysa 115 Danbi Horaantii Xilli Ciyaareedkaan Taasoo Loo Gudbiyey Guddoonka EPL Ayagoo Qabtay Waqtiga Tijaabada Balse Aanan Si Rasmi Ah Loo Xaqiijinin .

Dhinaca Kale Chelsea Ayada Wax Dacwad Ah Oo Xagga Dhaqaala Wanaaga Ah Ku Saabsan Lagama Soo Gudbinin Balse Waxaa Jirta Cabsi Laga Qabo In Kooxda La Ganaaxo Kadib Markii Ay Qarash Gareysay In Kabadan 1Bilyan Oo Ginni Tan Iyo Mudadii Uu La Wareegau Tod Boehly Bishi May 2022.

Wargeyska The Sun Ayaa Iftiimiyey Digniino Katimid Saddax Nin Oo Katirsan Guddiga Kuwaas Oo Messha Ka Saaray Ciqaabtii Forest Loo Geystay Ay Dhibaato U Keeni Karto Man City Iyo Chelsea .

Robert Glancy KC, Mark Hovell Iyo Steve Holt 3-daam Ayaa Qoray Sida Cunaqabateynta Aan Xadidneyn Ay U Dhaxeyssy Laga Soo Bilaabo Digniin Illaa Iyo Laga Saaro Premier League Waxa Ayna Ku Dareen Dukumeenti Ka Kooban 52 Bog Oo Ah Heerka Jabinta PSR, Ayadoo Markaas Noqon Doonta Guddiyada Kale In Ay Diyaariyaan Hadii Dhibco Laga Jaraayo Oo Ay Lagama Maarmaan Tahay Ama Saami Ahaan .

Lkn Hadii Jabinta Si Sax Loogu Sifeeyo Oo Ballaaran Markaas Waxaa Laga Yaabaa In Ay Dhacdo Cunaqabateyn Middaan Kadaran Oo Ah In Laga Ceyriyo Dhammaan Horyaalka EPL .

Maamulaha EPL Richard Masters Ayaa Ku Celiyey In Taariikhda Tijaabada kiiska Man City La Qorsheeyey January Balse Ma Uusan Shaacin Waqtiga Ay Dhaceyso .

Eedeymaha Waxaa Kamid Ah Sheegashada Ku Saabsan Warbixinta Maaliyadeed Iyo Lashaqeyn La’aanta Baaritaanka Premier League Oo La Furay 2018 Ayadoo Man City Ay Diiday Arrinta La Shaqeynta Premier league Ku Aadan Baaritaanada Kiisaska Lagu Heysto .

Dhanka Chelsea Waxa Ay Si Yar U Faafiyeen Kharash-ka Iyaga Oo Isticmaalaya Amortization Si Ay U Bixiyaan Khidmadaha Dhowr Sano Ayagoo Ciyaartoyda Siinayaan Qanadaraasyo Waqti Dheer Ah Waxaana Ay Wali Ay Tahay Blues Kooxda Bixisay Kharashaadka Ugu Badan Bixiyey Mudadaas .

Sida Ay Dhawaan Qortay Telegraph Ayey Ku Cadeysay In Blues Ay Tahay In Kor U Qaado 100£ M Oo Iibka Ah Kahor Dhamaadka June Si Ay Uga Fogaato In La Ganaaxo .

Maamulka Chelsea Waxaa La Leeyahay In Ay Ceyriyaan Mauricio Pochettino Waxaa Culeys Ka Saaray Barnaamijkaan Waxa Uuna Ku Kici Karaa 10 Milyan Oo Ginni Taasoo Culeyska Kusii Badin Kartay Ayadoo Hadda Dacwo Nuucaas Ah Lagu Heysto Ma U Saameynin In Ay Ceyriyaan .

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles