Wariye Xudeyfi oo xil sare loo magacaabay

Agaasimaha Madaxtooyada Jamhuuriyada Federaal ka Soomaaliya mudane Cabdixakiin Maxamed Yuusuf ayaa u magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada JFS mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xasan (Xudeyfi)

Cabdiraxmaan Xudeyfi waa wariye caan ka ah Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Waa mid ka mid ah wariyaashii ugu horeeyay ee bilaabay tabinta wararka burburkii kadib.

Dadka uu la soo shaqeeyay ayaa sheegay in uu ahaa wariye aad u wanaagsan Howl karna ah

Xilka loo magacaabay Cabdiraxmaan Xudeyfi ayaa horay u heyn jiray Cabdikariin Cali Kaar oo isna ahaa weriye hore, sidoo kalena ahaa nin aftahan ah oo shaqadiisa ku haboon.

Ma garanayno sababta xilka looga qaaday C/kariin Cali Kaar, balse waxaan ognahay in C/raxmaan Xudeyfi loo magacaabay booskiisa.

Si fudud marka loo eego, kursigan markii hore waxa lahaan jiray Murusade, haddase abgaal ayaa la wareegay. Labada wariye ee is bedelay ayaa ka soo kala jeeda labadaas beelood.

Magacaabidda Xudeyfi ayaa ku soo aaday xilli uu xukuumadda heysto culeys uga imaanaya warbaahinta, kadib markii dhawaan la soo dhisay Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, golahaas waxaa ka hor timid saxaafadda madaxa-banaan oo ka cabaneysa in aan laga tala gelin soo xulidda 9-ka xubnood ee golahaasi uu ka kooban yahay.

Si kastaba ha ahaatee, magacaabista Xudeyfi ayaa ku soo aadeysa xili warbaahinta ay ku adag tahay in wararka ay ka helaan madaxweynaha. Warka madaxweynaha ayaa loo diraa warbaahinta ama waxa ay ka heli karaan oo kaliya warar muhiim ah oo ka tirsan shabakadda Villa Somalia.

 oo hadda laga dhigay afhayeenka madaxtooyada uu xaliyo caqabadaha taagan ee warbaahinta madaxa-banaan ay ka tirsaneyno madaxtooyada qaranka ama labada xafiis ee dalka ugu sareysa.

Waxaa lagu hanweyn yahay in Xudeyf uu wariye ahaan jiray hadana uu yahay afhayeenka madaxweynaha. Wuxuu ka caawiyay inuu wax ka qabto dhibaatooyinka qaar ee warbaahinta wararka ee ku xiran madaxweynaha ama madaxda kale ee dalka.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles