Wasiir fiqi oo ka bixiyay falcelin adag oo ku aadan shirka ka dhacay Garoowe

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallin Fiqi oo xalay xarunta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir uga qeyb galay Afur Wadareed ayaa ka hadlay arrimo badan oo xaasaasi ah oo ay ka mid yihiin amniga iyo
dhameystirka dastuurka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dadka ku dhaqan gobolka Banaadir ay xuquuq badan ka maqan tahay oo ay ugu waacantahay maqaamka caasimada, isla markaana ay xuquuqdooda heli doonaan ka dib dhamaystirka Dastuurka.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale weerar afeed ku qaaday garabka Shariif & Farmaajo isaga oo yiri: “Dastuurka kun diyaarad hadii la raaco waxba kama badalayso, dastuurka waxaa uu horyaallaa baarlamaanka iyo hay’adihii ku shaqada lahaa ee buuqa hala yareeyo” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa ku dhawaaqay in shirkooda iyo qodobada ay soo saareen aanu wax ka beddeli doonin dastuurka, isla markaana la dhameystirayo dastuurka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aanka uu u yaallo labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagana ay xaq u leeyihiin dhameystirka dastuurka KMG ka ah ee dalka.

“Ciddii xaqa u lahayd ayaa beddeleysa, ciddii xaqa u lahayd ayaa dhameystireysa, waana baarlamaanka labadiisa aqal ee buuqa haliska yareeyo” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay in afarta cutub ee ugu horreyso dasruurka dhowaan la ansixinayo, kuwaas oo ay shalay xildhibaanadu soo gabagabeeyeen ka doodistooda.

“Dastuurka afartiisa cutub sida qorshuhu yahay waa loo codeynayaa, si ay rasmi u noqdaan, waxaan rabnaa odayaal, dhalinyaro iyo dumar in bannaanka lasoo istaago” ayuu ku yiri.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya ka dib shir ka dhacay magaalada Garowe, oo dhaxmaray madaxdii hore ee dalka iyo maamulka Puntland, kaas oo looga hadlay arrimaha Dastuurka iyo marxaladda uu dalka marayo.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles