Wax ka ogow Dacwada Maxkamadeed ee Ugaas dhaqameed isagoo udagaalamayo Alshabaab gacanta lagu soo dhigay

Dhageysiga dacwad kadhan ah mid kamid ah ugaasyada dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ka bilaabatay maxakamada ciidamada ee maamul goboleedka Jubbaland.

Ugaaska eedeesanaha ah oo lagu magacaabo Ugaas Aadan Maxamed Geedi ayaa lagu soo eedeeyay inuu katirsanaa ururka Alshabaab, kadib marki ciidamo katirsan maamulka Jubbaland gacanta kusoo dhigeen xili uu saf kula jiray dagaalyahano Alshabaab ah.

Ugaas Aadan oo da’diisa lagu sheegay dhowr iyo afartan jir ayaa dacwadiisa waxa iminka dhageysanaayo maxkamada ciidamada maamulka Jubbaland, ayaa la tilmaamayaa inuu muteesan doono xukun adag maadaama ugaaska uu maxkamada horteeda ka qirtay danbiga lagu soo eedeeyay.

“waxa katirsanaa garab katirsan kooxda Alshabaab ee fadhigoodu ahaa deegaanka Yoontoy” ayuu maxkamada horteeda kayiri ugaaska.

Ugaaska ayaa sidoo kale sababeeyay daruufaha ku kalifay inuu Shabaab kubiiro isagoo yiri, “Anigu ma lihi nin Shabaab ah ma ahi, laamiga Yoontoy iyo aaggaas ma imaan ma lihi. Waxaa ahaa nin iska duur joog ah oo xoolaley ah oo hantidiisa ku ilaashanaya nimankaas, kadibna waa igu adkaatay xaaladaasi” ayuu yiri Ugaas Aadan oo ka hor hadlay Maxkamadda ciidamada maamulka Jubbaland.

Ninkaan ayaa ciidamadu soo qabteen isaga oo dhaawac ah sanadkii 2021-kii, markaas oo uu horjooge u ahaa xubno ka tirsan Al-shabaab oo doonayay  in weerar ku qaadaan fariisin ciidamada ku lahayeen deegaanka yoontooy ee gobolka Jubbada Hoose.

Ugu dambeyntii Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim oo ah guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Jubbaland ayaa soo xiray fadhiga maxkamadda, isagoona sheegay iney sii socon doonto dhageysiga dacwadda, islamarkaana mar kale la isku soo laaban doono.

Ururka Alshabaab oo wili ka arimiyo deegaano dhowr ah ayaa la rumeesan yahay iney gacanta kudhigeen in badan oo kamid ah waxgaradka bulshada kuwaasi oo diga rogtay Alshabaab kadib mudo dheer ee oo Shabaabka gacanta ku hayeen deegaano dhowr ah, iyadoo sidoo kale xusid mudan tahay in deegaanada ee mudada dheer Shabaab katalinayeen ee afkaar badaleen inta badan dhalinyarada yar yar ee kuhoos bar baartay maamulada Alshabaab.

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles