Wax ka ogow sababaha Katigisti Nisa ee Mahad Salaad iyo Imaanshaha Taliye Sanbaloolshe?

Golaha Wasiirada XFS ayaa goordhow ansixiyay Agaasimaha cusub ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo markii saddexaad xilkan qabanaya, kaddib markii uu shaqada ka tagay Agaasimihii hore Mahad Maxamed Salaad oo xilkan hayay muddo labo sano.

Wararka ayaa sheegaya in xil ka tagidda Mahad Salaad oo muddo la hadal hayay ayaa ugu dambeyn xalay soo dhamaatay, kaddib markii uu xalay macsalaameeyay Saraakiisha Hey’adda NISA.
Waxaa lala xiriirinayay shaqo ka tagidda arrimo la xiriira isu-diyaarinta iyo hami uu ugu jiro xilka Madaxtinimada Galmudug oo si gaar ah ugu gudbiyay Madaxda sare ee dalka iyo saaxibadiisa.

Labadii sano ee uu shaqada Hey’adda NISA hayay Mahad Salaad ayaa lagu xusuustaa is bedel la taaban karo oo Amniga Caasimadda laga dareemay iyo dib u habeynta Hey’adda oo intuu xilka uu hayay in la sameeyay markii u horreysay sharciga ay yeelaneyso NISA oo ay meel mariyeen labada Aqal ee Baarlamaanka FS.

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles