Waxyaabihii Layaabka Lahaay Ee Dhacay Kadib Ku Guuleysiga Bayern Leverkusen Ee Bundesliga

Kooxda Bayern Leverkusen Ayaa Shalay Taariikh Cusub Kadhigtay Horyaalka Bundesliga Kadib Markoodi  Ugu Horreysay Ee Ay Ku Guuleysteen Horyaalka Heerka Koobaad Ee Bundesliga  Muddo 120 Sano Ah Oo Ay Dhisanyihiin Waxaana Ay  Soo Gaba Gabeeyeen Gumeysiga Ay Bayern Kuheysay Bundesliga Kaasoo Ahaay In 11 Sano Xiriir Ah Qaadayeen Horyaalkaas.

Sidoo Kale Waxa Ay Soo Gaba Gabeeyeen 5 Mar Kale Oo Markaan Kabaxsan Oo Ay Malxiis Noqdeen Balse Markaan Miraha Dadaalkooda Ayey Gurteen Shaqo Dheer Kadib Waxaana Mudnaantaas Leh Macalin Xavi Alonso Oo Sameynaya Waxyaabo Indhaha Laga Daboolan Karin  Sida In Kooxda Utartameyso Triple Cups Horyaalka Waaba Hanteen DFL Pokal Cup Final Ayey Taagan Yihiin Europe League Semifinal-ka Hal Lug Ayey Kula Jiraan Maadaama Lugta Hore 2 Iyo Eber Kusoo Badiyeen .

Alonso Shaqada Uu Qabtay Waa Midda Sababtay In Kooxo Badan Baadigoobaan Balse Asigaa Kabiya Diiday Oo Doonay Inuu Istijaabiyo In Dadaalkiisa Ceeryaamo Yahay Iyo Inkale Fasalka Xiga Ayaana La Ogaanayaa Sidee Kooxdiisa Umuuqato Una Awoodo In Bayern Latartanto Kagana Guuleysato Horyaalka Ama Atleast Labadaan Bandhig Fiican Kula Dhameysato Koobabka Kalena Wax Un Ku Guuleysato Champions league-na Heerarka Ugu Danbeeyo Ka Gaarto.

Waxyaabaha Yaabka Leh Ee Dhacay Kadib Ku Guuleysiga Bayern Leverkusen Ee Horyaalka Waxaa Kamid Ah In Kingsley Coman  Uusan Horyaal Ku Guuleysanin Markiisi Ugu Horreeysay Waayihiisa Kubadda Cagta Asigoo 27 Jir Ah  2013, 2014 Wuxuu Horyaalka La Qaaday PSG Dhanka Juventus Uu La Qaaday 2015 Iyo 2016 Sidoo Kale Laga Bilaabo 2017 Illaa Iyo Hadda Wuxuu Ku Guuleysanayey Horyaal Waa 7 Sano Uu Joogay Bayern Isku Dar Waa 11 Sano Kadib Ayaa Record-kaan Kajabay .

Sidoo Kale Harry Kane Ayaa U Yimid Bayern Munich Si Uu Ugu Guuleysto Koobkiisi Ugu Horreeyey Waayihiisa Kubadda Cagta Balse Taas Ma Dhicin Oo Bayern 11 Sano Xiriir Ah Ayey League Qaadeysay Balse Kadib Imaanshaha Kane Waa Waayeen Horyaalka DFL Pokal Cup-na Waa Ka Hareen Rajada Kaliya Ee Kane Waa Champions league Oo Kooxo Badan Kala Dhexeeyo .

Dhinaca Kale Granit Xhaka Ayaa Ku Guuleystay Horyaal 11 Sano Kadib Markii Uu Joogay Kooxda Basel  Oo Uu Laba Sano Isku Xigto Qaaday La Qaaday Muddo 8 Sano Uu Arsenal Joogay Horyaal Lama Uusan Qaadin.

Haddaba Sida Wararka Qaar Sheegayaan Bayern Leverkusen Dhamaadka Xagaaygaan Iibweyn Ayey Sameyn Doontaa Balse Kuma Jiro Xiddiga Indhaha Caalamka Wada Haayaan Ee Shalay Hatrick Dhaliyey Xilli Kooxdiisa Kubadisay 5 Iyo 0 Islamarkaana U Dabaal Dageen Koobka Ee Florian Wirtz Waa Kuma Qofka Aad Isdhihi Karto Marka Laacibkaas Laga Reebo In Kooxdaan Iibin Doonto Fikirkaaga?

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles