Weerar Qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal Alshabaab ah.

Weerar qorsheysan oo ee qaadeen cutubyo katirsan ciidanka xooga dalka ayaa lagu laayay saraakiil sare oo katirsan Alshabaab.

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyay deegaanada kala ah Cali yabal, Qalan qal iyo Sumadaale oo dhamaantood hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada is kaashanaya ay si gaar ah uga fuliyeen dhulka howd ah ee ku yaala deegaanadaas oo ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa xaqiijiyay in howlgaladaas lagu dilay 23 ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab ee halkaasi isku aruursanaayay, waxaana sidoo kale saraakiisha ay sheegeen in dhaawaca kooxda uu kor u dhaafayo 20 meeyo.

Deegaanada howlgalada laga sameeyay ayaa saraakiishu sheegtay iney haatan ku sugan yihiin ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalkaan ayaa sidoo kale waxa ciidanka dowlada ku wehliyay ciidamo ee iska soo aruuriyeen dadka deegaanka kuwaasi oo loo yaqaano Macaawisley.

Leave a Comment

Array

Related Articles

English News

Facebook Feed

Articles