Xaalad Cabsi ah oo soo wajahday Qaxootiga kunool Dalka Ireland

Dalka Ireland oo beri ahaa dal aan sidaa bartilmaameed ugu aheen qaxootiga ayaa sanadihi udambeeyay waxa uu safka hore ka galay dalalka ugu badan ee reer Yurub ee qaabila qaxootiga.

Dadka gaaray dalka Ireland ayaa isugu jiro kuwa sharci iyo magangalyo doon ah iyo kuwa sharciyo yurub heesta balse doonaya iney kunoolaadaan dalkaasi oo lasheegay in waxbadan kaduwanyahay siyaasad ahaan dhanka qaxootiga, taasi oo sababtay inuu soo jiito indhaha dadka muhaajiriinta gaar ahaan Qaxootiga.

Baaritaan ee sameesay Shabakada Warsheekh ayaa lagu ogaaday in arimaha keenay qul qulka qaxootiga ee dalka Ireland ee ugu weyntahay in siyaasada arimaha qoyska ee wax badan kaduwan tahay barka labar bardhigo wadamada kale ee reer Yurub kuwaasi oo sanadihi udambeeyay dhimay awooda waalidka ee  uleeyihiin caruurtooda.

Arinka Qaxootiga oo noqday hadal heynta ugu badan ee iminka kadhax jirtay dadka reer Ireland iyadoo dhinacyada siyaasada iyo warbaahinta aad uhadalhayaan qulqulka qaxootiga kusoo jabay dalkooda.

Nin lagu magacaabo Francesco oo kamid ah Dadka ku nool Dalka Ireland ayaa warbaahinta u sheegay in Ireland ay noqotay dal ee kusoo badanayaan dadka neceb Qaxootiga.

Arinka sida aadka ah buuqa udhaliyay ayaa ah kadib marki qaxootiga tirada badan ee halkaa iska dhiibay loo waayay goob ladajiyo taasi oo dhalisay in dowlada ee ubaneeso Hotelo iyo waliba goobaha Waxbarashada iyadoo taasina sababtay guux aad uxoogan.

Xili Bisha Juun ee sanadkaani lagu balansan yahay doorashada dalkaasi ayaa waxa durba saaxada siyaasada dalkaasi ka bilowday doodaha la xiriiro in wax badan laga badalo hanaanka siyasadeed ee qaabilaada qaxootiga iyadoo xisbiyo dhowr ah ee barnaamijkooda siyaasadeed kusoo darteen adkeenta sharciyada qaxootiga

Wargeyska lagu magacaabo independent ee kasoo baxa dalkaasi ayaa doorasho hordhac ah oo usameeyay kusheegay in 65% dadka ee codka ka qaadeen ee soo dhaweenayaan wax kabadalka arimaha soo galootiga iyagoo ku baaqay in si aad ah loo adkeeyo sharciyada laxiriiro qaxootiga.

Isku soo duub dadka Soomaalida ee kunool Ireland oo isugu jiro kuwa cusub oo sharci doon ah iyo kuwa kasoo guuray wadamada kale ee reer Yurub ayaa la wadaago walaacaan dadka kale ee soo galootiga ah ee la kulmaayo naceybka sii kordhaya.

Maxamed Maxamuud Muuse
Warsheekh-Dublin, Ireland

Leave a Comment

Related Articles

English News

Facebook Feed

Our YouTube Channel

Articles